Sunday, September 8, 2024

Mashruuca biya gelinta Jig-jiga oo maraya meel gabo gabo ah

Jig-jiga (Dawan)- Mashruuca  wajiga labaaad ee biya gelinta magaalada Jig-jiga ayaa maraya meel gabo gabo ah, iyada oo  la qorsheynayo  in dhawaan ay magaaladu ka baxdo biya yaridii hore uga jirtay.

Wasiirka  Biyaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya, Xasan Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan injineerada Xafiiska Biyaha iyo shirkadaha gacanta kuhaya wajiga labaad ee biyo gelinta magaalada Jig-jiga  ayaa kormeer loogu kuur gelayo habsami u socdka mashruuca ku tegay ceelasha biyaha iyo haamaha kaydka biyaha ee duleedka magaalada Dhagaxle iyo degmada Shabeelay ee gobolka Faafan.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay howlwadeenada ka shaqeynaya mashruuca iyaga oo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee mashruucu soo maray iyo caqabdadihii ka horyimid inta ay ku jireen shaqada biya gelinta magaalada Jig-jiga.

Wasiirka Biyaha  oo lahadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay hada socdaan tijaabooyinkii ugu damabeyay ee biyo gelinta, muddo bil gudahed ahna ay bulshada caasimaddu kacabi doonaan biyaha mashruucaan.

“Mashruucaan oo soo qaatay muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaan rajeyneynaa inaan dhawaan soo gabagabeyno, wuxuun maraya 95%, wax aad u yar ayaa noo harsan”. ayuu yiri wasiir Xasan.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in la shaqeynayo habeen iyo maalin si loo dhameystiro mashruuca muhiimka u ah dadka deggan Jig-jiga, wuxuuna ballanq aaday in laga bixi doono biya xumidii hore u jirtay, dadkuna heli doonaan biya nadiif ah oo looga baxayo dhibaatadii biyo la’aanta.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida  ayaa sannadihii ugu dambeeyay dadaal badan ku bixinaayay sidii dadku u heli lahaayeen adeegyada muhiimka u ah noloshada aadanaha sida biyaha, korontada, waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha waddooyinka isku xira magaalooyinka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here