Monday, November 25, 2024

Mashruuca korontada ugu ballaaran Itoobiya oo laga hirgeliyay DDS

Jigjiga (Dawan)- Degmada Boqolmayo ee hoostagta gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), ayaa si rasmi ah uga looga hirgeliyay mashruuca ugu weyn Itoobiya ee korontada laga dhaliyo cadceedda, kaas oo bulshada ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeeda siinaya koronto joogto ah oo 24 saacadood ah.

Mashruucan tamarta cadceedda ee awooddiisu tahay 2 Megawatts, waxaa hirgelisay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee SinoSolar, waxaana lagu rakibay 5,292 baalayaasha cadceedda ah, baytari dabka kaydiya oo awooddiisu dhantahay 5.5 Megawatts ah, iyo matoor kayd ah si korontada aan loo waayin xilliyada cellad farsamo sida uu sheegay Xafiiska warfaafinta ee DDS.

Mashruuca waxaa ka faa’iidaysan doona bulsho dhan 43,542 qof (7,257 qoys), waxaana ku baxay lacag ka badan 231.6 milyan oo bir ah.

Mashruucan ayaa sidoo kale taageeri doona iskuullada, xarumaha caafimaadka, xarumaha ganacsiga, iyo xafiisyada maamulka ee magaalada iyo deegaanka ku xeeran. Intii uu mashruucu socday, 500 oo qoys ayaa helay adeeg koronto 24 saacadood ah oo joogto ah.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa qorshahan u aragta tillaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo tayada nolosha bulshada iyo xoojinta kaabayaasha muhiimka ah, iyada oo sidoo kale loo diyaarshay 21 km oo layr galin fudud ah iyo 5 transformers oo awood u siinaya adeeg koronto ballaaran.

Mashruuca Boqolmayo ayaa ah kii afaraad ee noociisa ah ee laga hirgaliyo deegaanka, wuxuuna maamulka DDS sheegay in  uu astaan u yahay dadaalka dowlad deegaanka ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo ka faa’iidaysiga tamarta la cusboonaysiin karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here