Sunday, September 8, 2024

Mashruucyo horumarineed oo laga hirgeliyay dowlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Dawan)- Masuuliyiinta ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa daah-furay mashruucyo biyo iyo koronto ah oo laga hirgeliyay degmooyinka Dhagax-Madow iyo Bilcilbuur oo ka tirsan gobolka Jarar kuwaas oo la filayo in ay kor u qaadaan kobaca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada halkaas ku dhaqan.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, Xuseen Xaashi, ayaa sheegay in 102 Milyan oo lacabta Itoobiya ah ay ku baxday labada mashruuc , wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inay qorshaynayaan in ay furaan mashaariic kale oo muhiim u ah dadka deegaanka.

Bulshada ku dhaqan labadaas degmo ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaystirka mashaariicdan, waxayna uga mahadceliyeen maamulka gobolka oo qayb wayn ka qaatay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah.

Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen mashruucyadan waxa ka faa’iidaysan doona ku dhawaad ​​2.5 milyan oo qof oo ka kooban 500,000 qoys kuwaas oo isagu jira xoolo-dhaqato iyo beeralay, waxaana la filaya inay ka dabooli doonaan dhibkii lagu qabay korontada iyo helidda biya nadiif ah.

Dhawaan  Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa shaaca ka qaaday in ay lacag dhan 10 milyan oo dollar ku bixinayso nidaamka biyo-gelinta Dowlad Deegaanka Soomaalida si wax looga qabto abaaraha kusoo noqnoqda Deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here