Thursday, September 19, 2024

Masiibada dabka Kenya… Arday ku dhaawacantay dab ka kacay iskuul kale

Nairobi (Dawan)- Ugu yaraan seddex arday ayaa ku dhaawacmay dab ka kacay xalay fiidkii mid ka mid ah goobaha ay ardaydu seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha ee ismaamulka Isiolo.

Weli lama oga sababta ka dambeysay dabka ka kacay qaybta ay seexdaan ardayda fasalka koowaad ee iskuulka.

Ciidamada militariga iyo waaxda dabdemiska ee garoomada diyaaradaha ayaa ugu dambayn ku guulesytay in la demiyo dabka.

Kaliya seddex maalin ayaa laga jooga markii ku dhawaad 20 arday ay ku dhinteen dab ka kacay dusgiga Hillside Endarasha Academy ee ku yaal deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri

Sidaan oo kale, sagaal arday ayaa bishii September ee 2017 ku dhintay dab ka kacay iskuul ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here