Thursday, September 19, 2024

Mas’uul sare oo ka tirsan AS oo lagu qabtay Galgaduud

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mas’uul sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Idiris Maxamed Sheekh oo ahaa madaxa Sakawaatka ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo qabtay howgal ka dhacay tuulada Mareerguur, oo qiyaastii 28km dhanka waqooyi bari kaga beegan Dhuusamareeb 30-kii bishii dhamaatay ee July.

Idiris Maxamed Sheekh ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aad ugu dhow Amiirka ururka Al-shabaab, Axmed Diiriye, waxa uuna kasoo shqeeyay gobollada Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, Jimcihii lasoo dhaafay, waxeyna xustay inay dagaalyahanadooda ay ku dileen 54-ruux, 87-kalena ay ku dhaawaceen weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here