Monday, September 16, 2024

Mas’uuliyiin ka socda Jabuuti oo gaaray Itoobiya si loo xoojiyo ganacsiga

Addis Ababa (Dawan)- Wafdi isagu jira mas’uuliyiin dowladeed iyo kuwa ganacsato ah oo ka socda Jabuuti ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya. Wafdiga oo uu hogaaminayay, Maxamed Warsame, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa kulan la qaatay mas’uliyiin ka tirsan xukuumadda Itoobiya sida Dr. Kassahun Gofe, Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka ee dalkaas.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya, waxeyna hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’antahay hirgelinta qorshaha horumarinta isdhexgalka dhaqaalaha gobolka.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye, ayaa tilmaamay muhiimadda ay booqashadaan u leedahay kor u qaadista xiriirka dhaqaale iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay wadaagaan labada dal ee deriska ah.

Booqashadaan ayaa daba socda booqashooyin ay dhawaan wufuud heer sare ah oo ka socda Itoobiya ku tageen dalka Jabuuti iyo dekedda Dooraale, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo fududeynta howlaha la xiriira badeecooyinka isaga goosha labada waddan.

Dowladda itoobiya ayaa tan iyo sannadkii 1998, waxey u wareegtay inay adeegsato dekadaha Jabuuti kadib markii ay dagaalkii  Eritrea ku waysay dekaddii Assab oo ay hore u isticmaali jirtay.

Iskaashiga diblomaasiyadeed ee Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la meelmariyay sannadkii 1897-kii, iyada oo isbddel xoogan ku yimid marxaladihii lasoo dhaafay, waxeyna labada Dowladood iska kaashadaan dhinacyada kala duwan sida, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here