Sunday, September 8, 2024

Mas’uuliyiin ka socday Jabuuti oo Sacuudi uga qeyb galay shir caalami ah

Riyaad (Dawan)- Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye,  safiirka Jabuuti u fadhiya Sacuudiga,Diyaa’udiin Baamakhrama iyo Agaasimaha guud ee wakaaladda Dalxiiska Jabuuti, Cismaan Cabdi ayaa magaalada Riyaad uga qeyb galay shir calami ah oo loogu talagalay Maalinta Dalxiiska Adduunka.

Shirkaan oo halku dhig looga dhigay Dalxiiska iyo Maalgashiga cagaaran, waxaa kasoo qeyb galay  mas’uuliyiin iyo xeeldheerayaal Dalxiis oo ka badan 500 oo qof  kuwaas oo ka kala socday 120 dowladood.

Wasiirka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu Dalxiisku u leeahay isdhaxgalka bulshada iyo barashada dhaqamadood, isaga oo  sheegay in Jabuuti ay siiso ahmiyad gaar ah goobaha taarikhiga iyo kuwa dabiiciga ah ee loosoo  Dalxiis tago.

Wasiirka ayaa  sidoo kale kulamo gaargaar ah la qaatay mas’uuliyiinta kasoo qeybgashay shirka, isaga oo kala hadalay sidiii la isaga kaashan lahaa xoojinta iyo kor u qaadista  Dalxiiska iyo maalgelintiisa.  

Magaalada  Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa isbuucaan martigelisay shirka  maalinta Dalxiiska Adduunka iyada oo dowladda Sacuudigu gelisay dadaal dheeraad ah  sannadihii ugu dambeeyay arrimaha Dalxiiska.  

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here