Friday, September 20, 2024

Maxaa kasoo baxay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Wasiirrada?

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay xaaladda siyaasdeed iyo amni ee dalka, iyada oo Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga laga dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo guud ahaan deegaanada gobollada laga qabsaday Al-shabaab.

Magacaabis safiiro

Kulanka waxaa lagu ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Ansixita Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meelmariyay Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay baxay xukuumadda waxaa lagu yiri; ” Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka”

Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Kulanka Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka, sida ay lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here