Sunday, September 8, 2024

Maxaa laga filan karaa kulanka ay Soomaaliya la ciyaareyso Uganda?

Morocco (Dawan)- Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta ka hortegi doona dhiggooda Uganada kulanka labaad ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026.

Ciyaarta ayaa ka dhici doonta garoonka Berkane Municipal Stadium ee dalka Morocco oo Soomaaliya u ah guri (Home), waxeyna ciyaartooyda Soomaaliyeed doonayaan in seddex dhibcood kala soo laabtaan kulanka.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa guul darro ku billaabay tartanka isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, waxaana Group-ka 6 dhibcood ku hoggaaminaya Algeria oo badisay labadii kulan oo ay ciyaartay.

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulankaan, iyaga oo ku qiimeynaya qaab ciyaaredkii ay ciyaartooyda soo bandhigeen kulankii ay kaga hortageen Algeria oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan Qaaradda africa.

” Ciyaartooyda waxaa ka muuqatay kulankii hore isfahan qaab ciyaareed, inkasta oo dhanka weerarka ay dhibaato naga heysato, hadana waxaan is leehay waa ka badin kartaan Uganda” ayuu yiri, Xasan Cabdulqaadir Cismaan oo la hadlay TV-ga Dawan.

Dhanka kale, Saabir Cali ayaa aaminsan in ay Soomaaliya ku adkaan doonto maadama ay ka hortegi doonaan ciyaartooyda Uganda oo lagu yaqaano awoodda dhanka jirka.

“Uganda ma ciyaarto kubbad jilcan, awoodda jirkooda iyo shout ayay adeegsadaan, haddii ay fursado u helaan laadad badan waa loo yaaba Soomaaliya “ ayuu yiri, Saabir.

Soomaaliya ayaa raadineysa guusheedi labaad oo ay ka gaarto isreeb-reebka koobka Adduunka kadib guushii 2019-ka ee ay kaga badisay dalka Zimbabwe.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku sugnaa bishii lasoo dhaafay wadamada Morocco iyo Tuunis, waxa uuna kulamo saaxibtinimo la ciyaaray dalalka Sierra Leone, Niger iyo Libya si uu isagu diyaariyo kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here