Saturday, September 7, 2024

Maxaa lagu diiday “Federaal”?!!

Garoowe (Dawan)- Maxaa lagu diiday “Federaal”?!!. Waxaa qoray Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir) , wasiir dowlihii hore ee wasaaaradda Warfaafinta Puntland

Waxaan dhageystay kalmadihii ay ka jeediyeen munaasabadda 26-ka June ee xornimadii gobollada waqooyi afar ka Mid ah madaxda dalka oo kala ah: Madaxweynaha JFS, Raysul wasaaraha, Ku-xigeenkiisa iyo hoggaamiyaha SSC- Khaatumo.

Marnaba afkooda ma ayan soo marin in xalka gobollada waqooyi lagu raadsho tubta federaalaynta dalka, oo “Federalku” noqon karo xal lagu kala badbaado; maadaama dastuurka dalku dhigayo. Dhammaan kalmadihii ay madaxdaasu jeediyeen marna “Federal” ma carrabbaabin!

Waxaan dareensanahay in nidaamka “Federal” madaxda dalka qaarkood ayan jeclayn sababa kala duwan oo ay ugu horreyso inaan aad loo fahamsanayn, loona arko hagardaamo, mararka qaarna lagu tilmaamo in qolo gaar ahi gadaal ka riixayaan. Runtuse, waxay tahay: in federalku yahay xalka kaliya ee badbaadin kara dowladnimada Soomaaliya.

Puntland ayaa ah dowladdii ugu horreysay oo taabbo galisa nidaamka federalka (1998) waxayna si fiican u sii hirgalisay markay qabatay goloyaasha deegaanka (25/10/2021) waa xukun daajin, waxaa la sugayaa oo kaliya in golaha wakiiladana la soo doorto inta lagu guda jiro mudda xilaadkaan bilowday 8/1/2024.

Puntland waxay ku fashilantay, aragti ahaan, in nidaamka Federalka laga dhaadhiciyo Soomaalida kale, xitaa gudaha Puntland, cidda kaliya ee tunka ku qaadatay waa jilba-culusta siyaasadeed ee beesha dhexe, doorashada goloyaasha deegaanka iyo tan golaha wakiilada baanse is leeyahay dareenka qabaa’lka kale waxbay ka baddali doontaa oo ficil ahaan bay ku fahmi doonaan fikradda “ Federalka”.

Waxaan talo u soo jeedin lahaa in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu wareegto kusoo saaro “ Macahadka Federaaleynta Dalka” oo ka shaqeeya siduu umadda Soomaaliyeed -si aqooni ku dhisantahay- uga dhaadhicin lahaa nidaamkaan, una difaaci lahaa.

Waxay aniga ila tahay in dheefshiididda nidaamkaan u baahanyahay qorshe cilmiyeysan, waxayba ahayd – aniga aragtideyda- in hay’addani waa hore la dhiso, oraah baase ahayd: inaad soo daahdid, waxay dhaantaa inaadanba iman!

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here