Monday, September 16, 2024

Maxaa sababay in Bankiga Dhexe uu ka digo Lacagaha Daahsoon?

Muqdisho (Dawan)- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dadweynaha uga digay adeesiga iyo isticmaalka Lacagaha Daahsoon ee afka qalaad lagu magacaabo (Virtuals Assets-ka), sida Bitcoin. Stablecoins iyo kuwa kale ee lamidka ah, wuxuuna sheegay inaan laga aqoonsanayn gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin shirkad ama cid u haysata sharciyad ah inay uga ganacsato Soomaaliya.

” Majirto hay’ad maaliyadeed oo shati u haysata in ay ka ganacsato adeeg
maaliyadeed oo ku saabsan Lacagaha Daahsoon, sida sarifka, xawilaadda, lacag bixinta, maalgashiga, ama nooc kale oo adeeg maaliyadeed ah iyada oo la isticmaalayo lacagta daahsoon”

Bankiga ayaa digniintiisa ku sababay inay adeegisga Lacagaha Daahsoon ka dhalan karto khasaaro badan sida; inaysan lahayn sharci iyo xeernidaamiye ilaaliaya sidoo kale ma jiraan hay’ado caalami ah oo korjoogteeya adeegyada la xiriira Lacagaha Daahsoon, sida uu Bakiugu sheegay.

Bankiga ayaa tilmaamay in Macaamiishu ay khasaari karaan dhamaan lacagta ay ku maalgashadeen, iyada oo sidoo kale lagu geli karo fal-danbiyeedyada ay ka midka yihiin lacag
dhaqida iyo maaligalinta argagixisada.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka Bankiga, majiro hab sharci ah oo dadka adeeggan isticmaalaa ay lacagtoodii dib ugu heli karaan, hadii ay dhacdo in suuqu burburo, ama hanaanka ay adeegsanayaan shaqayn waayo.

Bankiga ayaa ugu dambayntii ugu baaqay dadweynaha inay ka fogaadaan maalgashiga Lacagaha Daahsoon oo Soomaaliya looga aqoonsan yahay sharci darro.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here