Sunday, September 8, 2024

Maxaad ka ogtahay diyaaradaha ay Soomaaliya yeelatay?

Muqdisho (Dawan)- In ka badan 3,000 oo xabbo ayaa soo dhacday, mas’uulkii ugu dambeeyay ee ay la dhacdayna waxa uu ahaa taliyahii ciidanka Kenya. Maxaad ka tqaana nooca labada diyaaradood ee ay Soomaaliya yeelatay:

Aan marka hore fiirino Taariikhda:

  • Nooca diyaaradda: Bell UH-1 Iroquois, waxaa loo yaqaanaa “Huey.” 
  • Waxaa la sameeyay : October 20, 1956
  • Hadda lama sameeyo noocaan oo suuqa wey ka baxday diyaaradahaan oo wali ka howlagala meelo badan oo Afrika u badan diyaaraddii ugu dambeysay waxaa la sameeyay 1987dii.
  • Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay.
  • Diyaaraddaan waxay ku caan baxday dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka intii u dhaxeysay 1955-1975.
  • In ka badan 3000 oo nocaan ah ayey Veitnamiyiintu soo rideen.

Qaab-dhismeedka

  • Diyaaraddan waxay leedahay hal matoor oo kaliya, cillad kasta oo ku timaadana waxay sababtaa inay diyaaradda soo dhacdo.
  • Waxay qaadaa 14 qof iyo laba duuliye.
  • Miisaanka ay qaadi karto waa 2,800 oo kilo.
  • Xawaaraheeda ugu badan oo ay ku duuli karto 232 kiiloomitir saacaddii (Waxbadan kama duwana gawaarida toyotaha ee shacabka caadiga ah ku socdaan.)
  • Waxay duuli kartaa 500 Km oo kaliya iyada oo aan degin.

Adeegsiga:

  • Waxaa loo adeegsadaa dano kala duwan, waana sababta wali looga jecelyahay dalalka faqriga ah;
  • Waxaa lagu daadgureeyaa dhaawaca,
  • Waxaa lagu qaadi karaa ciidamada.
  • Waxaa lagu xiri karaa qoryaha yaryar.
  • Noocyada kala duwan adeegsiga shacabkana waa u furan yahay.

Khataraha ku xeeran:

  • Malaha is gaarsiin casri ah, taas oo sababi karta inay lunto oo ka dagato deeganada cadowga.
  • Cillad kasta oo matoorkeeda ku timaada waxay sababi kartaa inay dhacdo.
  • Joog hoose oo suurta gal ah in la soo rido ayey ku duushaa.
  • Cillad kasta oo farsamo oo ku dhacda waa in loo xalliyaa si manual ah maadaama soo saaristeeda xilli hore istaagtay.
  • Waa nuuca ugu badan Helecoptar ee soo dhacay inta taariikhda la ogyahay.
  • Shilkii ugu dambeeyay ee ay gasho waxaa ku dhintay taliyihii ciidanka Kenya.
  • Ma jiro maaxweyne diyaaraddaan adeegsada, dunida oo idil.

Diyaaradahaa oo laba xabbo ah, side ayay Soomaaliya ku soo gaareen, kiro, iib mise deeq? Yaa howlagalinteeda gacanta ku haaya? Soomaali mise ajaanib? Sidee dowladda Soomaaliya u isticmaashaa?

Waxaad kula socon kartaa qaybta labaad ee warbixintan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here