Muqdisho (Dawan)- Maxaad ka taqaana nooca labada diyaaradood ee ay Soomaaliya yeelatay?
Nuxurka:
- Nooca diyaaradda: Bell UH-1 Iroquois, waxaa loo yaqaanaa “Huey.”
- Waxaa la sameeyay : October 20, 1956
- Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay.
- Diyaaraddan waxay leedahay hal matoor oo kaliya, waxayna qaadaa 14 qof iyo laba duuliye.
- Miisaanka ay qaadi karto waa 2,800 oo kilo.
- Xawaaraheeda ugu badan oo ay ku duuli karto 232 kiiloomitir saacaddii
- Waxay duuli kartaa 500 Km oo kaliya iyada oo aan degin.
- Waxaa lagu qaadi karaa ciidamada, waxaana lagu xiri karaa qoryaha yaryar.
- Cillad kasta oo matoorkeeda ku timaada waxay sababi kartaa inay dhacdo.
- Shilkii ugu dambeeyay ee ay gasho waxaa ku dhintay taliyihii ciidanka Kenya.