Thursday, September 19, 2024

Maxaad ka taqaan sannad tirsiga u gaarka ah Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Maanta oo Arbaca ah kuna beegsan 11ka bisha sagaaald ee sannadka 2024, waxay ugu beegantahay Itoobiya curashada sannadka cusub ee 2017.

Itoobiya weli waxaa laga haystaa tirsiga Kaniisadda Coptic-ga laakin dalkaas loogaa yaqaano kalandarka Itoobiya, kaas oo todobo sano ka dambeeya taariikhda laga wada isticmaalo dunida ee Miilaadiga ah.

Todobaad dabaal degyo ah

Itoobiya waxay dadaal badan ku bixisaa sidii deegaanada dalkaas looga dhigi lahaa dabaaldegyo lagu waynaynayo sannadka cusub kuwaas oo soconaya muddo todobaad ah oo 5 maalin lasameynayo bandhigyo rasmi ah.

5-ta maalin ee dabaaldegyada sannadkaan waxaa loo sameeayay halku dhigyada kala ah; maalinta ka gudbidda caqabadaha, maalinta dib u habeynta, maalinta madaxbannaanida, maalinta iskaashiga iyo maalinta rajada berri.

Sannadka Itoobiya waa 13 bilood

Itoobiya waxay leedahay kalandar u gaar ah oo la eego taariikda waayo sanadkeeda waxa uu ka koobanyahay 13 bilood. 12 biloodka hore waxay ka koobayihiin 30 maalin halka bisha 13 aad ay tahay 5 ama 6 maalmood oo kaliya.

Bisha 13-aad waxa loo yaqaanaa afka Amxaariga “BAAQUME” waana bisha ugu dambeysa sanadka Itoobiya lamana siiyo shaqaalaha wax mushaar ah. waa bil maalmaheeda oo dhan lagu jiro dabaaldegyo kala duwan iyo damaashaad maadaama aysan ka badnayn 6 maalmood.

Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah bilaha barakeysan ee Masiixiyiinta Itoobiya, gaar ahaan jamaacada raacsan Kaniisadda Ortodokiska, waxeyna ku quebystaan webiyada iyada oo loo arko dembi dhaaf.

Waxay Itoobiyaanku soo bandhigaan dhaqamo iyo caadooyin ka tarjumaya sooyaalkooda, iyada oo waddooyinka lagu xardho calamadaha qowmiyadaha dalkaas iyo boorar kala duwan oo ay ku sawiranyihiin farriimo tilmaamaya curashada sannadka cusub.

Waxaa la sheegaa in dabaaldegga sanadka cusub ee Itoobiya kasoo bilaawday markii Balqiis oo ahayd boqoraddii Saba’ ay ka soo laabatay booqashadii ay ugu tagtay nabi Suleymaan magaalada Quddus sanadkii 980-kii ka hor Miilaadiyada , iyadoo dadkeedu u sameeyeen soo dhaweyn aad u ballaaran.

Madxafka shucuubta

Baaxadda guud ee Itoobiya waa hal milyan iyo 140 kun oo kilomitir oo laba jibaaran, waana dalka tobnaad ee ugu weyn qaaradda Afrika marka loo eego bed ahaan, iyada oo ay ku noolyihiin qabaa’ilo ka kooban qowmiyado kala duwan, taas oo keentay in lagu naaneyso ” Madxafka shucuubta”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here