Friday, November 15, 2024

Maxaad ka taqaan siyaasiga ma quusataha ah ee Faysal Cali Waraabe? 

Hargeysa (Dawan)- Maxaad ka taqaan siyaasiga aan ka quusan raadinta madaxtinimada  Somaliland ee Faysal Cali Waraabe? 

Nuxurka

Goorta/ goobta dhalashada: 1948, Hargeysa

Waxbarashada: Engineer/ xiriirka caalamka

Siyaasadda: Aas-aasihii iyo hogaamiyaha xisbiga UCID

Waa markiisi afaraad ee uu u tartamo madaxtinimada Somaliland. Seddexdi jeer ee uu tartamay kama keenin guul laakin kama quusan inuu mar uun madaxweyne ka nqodo Somaliland. Kusoo dhawaada sooyaalka Faysal Cali Waraabe oo kooban.

Waxbrashadiisa  iyo shaqooyinkii dowladdii dhexe

Faysal Cali Waraabe, waxa uu kuu dhashay magaalda Hargeysa xilli ku beegan sannadkii 1948. Waxbarsahadiisa ilaa dugsi sare wuxuu kusoo qaatay  isla Hargeysa iyo magaalada caanka ku ah waxbarashada ee Boorama.

Kadib waxa uu helay fursad waxabarasho oo dibadda ah, wxuuuna cilimiga Engineernimada  kasoo qaatay jaamacadda Leningrad ee dalka Ruushka xilligii dowladdii rayidka  ee Soomaaliya.

Faysal wuxuu ka midi ahaa dhallinyaradii firficrooneed ee iyaga oo wax soo bartay  dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka shaqa billaabay wasaaraddii howlaha guud isaga oo soo noqday  isuduwihii wasaaradda ee gobollada Baay iyo Bakool.

Mar dambe waxa uu wasaaradda ka  noqday madaxa  waaxada qorsheynta, waxa uu sidoo kale  kasoo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar.

Qaxii iyo waayihii Finland

Markii dowladdii dhexe duntay ee lagu kala cararay dalka, Faysal waxa uu ka mid ahaa dadkii u qaxay qurbaha isaga oo deegaan ka dhigtay  dalka  Finland.

Intii uu joogay halkaas,  waxa uu ka bilalabay damiciisa siyaasadeed isaga oo jaamacadda Helsinki ka bartay cilmiga xiriirka caalamiga ah.

Faysal waxa lagu tiriyaa  aqoonayahano dib u soo laabtay si ay uga qayb qaataan arrimihii  dib u heshiisiinta iyo demintii  colaadihii ka jiray Somaliland horraantii 1990 meeyadi.

Siyaasiga aan quusan

Sanandkii 2000 waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xibiga UCID, waxaana sanadkii xigay loo doortay guddomiyaha xisbiga ee uu yahay ilaa iyo hadda.

Horay waxa uu  xilka madaxweynaha  ugu  tartamay seddex jeer oo kala ahaa 2003, 2010 iyo 2017, waana ku guul darreysatay dhamaantood balse qaamuskiisa kuma jirto inuu ka quusto xilka madaxweyne .

Wareysi uu dhawaan siiyay BBC waxa uu sheegay inuu  bedeli doono magaca Somaliland sidoo kalena uu tarxiili doono Soomaalida kale uu ku nool deegaanada Somaliland.

Arrimaha kale ee ka mid ah qorshaha xisbigiisa waxaa ku jira abuuridda dhaqaale xor ah oo loo dhanyahay.

Somaliland waxay yeelatay xisbiyo siyaasadeed markii ugu horeysay sanadkii 2001, iyada oo madaxweynaha la doorto muddo 5 sano ah, taas oo lagu salleeyay  dastuurka u dagsan, waxaana la xaddiday tirada xisbiyada .

Xisbiga UCID waa kan ugu da’da weyn, halka Waddani uu yahay mid ka yimid garabka mucaaradka Kulmiyana waa  xisbiga kaliya eel aba jeer noqday xisbul xaakiim

Sidoo kale doorashooyinka madaxtinimada Somaliland waxaa  so toos ah loo qabtay seddex jeer tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, waana sanadihii  2003, 2010 iyo 2017 .

Makula tahay in la gaaraay xilligii Faysal lagu aamini lahaa hoggaanka Somaliland?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here