Thursday, September 19, 2024

Maxaad kala socotaa hogaamiyaalkii ku dhintay shilalkii diyaaradeed tan iyo 1936?

Muqdisho (Dawan)- Shilkii diyaaradeed ee uu Axaddii ku dhintay madaxweynihii Iran Ibraahim Raisi, waxa ay dunida dib usoo xasuusisay shilal diyaaradeed oo ay hore ugu nafwaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyaalkii dunida.

Waxaan halkaan idin kula wadaageynaa warbixin dheer oo ay Wakaaladda Wararka Anadolu ka qortay madaxdii ku dhimatay shilalkii diyaaradeed ee dhacay tan iyo sannadkii 1936-kii

Dec. 9, 1936, Ra’iisul Wasaarihii Sweden Arvid Lindman ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, ka dib markii diyaaradii Douglas DC-2 ee uu saarnaa ay ku dhacday guryo u dhow garoonka Croydon, wax yar kadib markii ay ka duusahay garoonka.

Sebtembar 7, 1940, madaxweynihii Paraguay Marshal Jose Felix Estigarribia ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

July 4, 1943, Wladyslaw Sikorski, oo ahaa hogaamiyihii dowladii Poland ee dibadda jooga xilligii dagaalkii labaad ee adduunka, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed kadib markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay Gibraltar.

June 16, 1958, Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee Brazil, Nereu Ramos, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

March 29, 1959, Barthelemy Boganda, oo ahaa madaxweynihii Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, isla markaana ahaa halgamaagii xornimada, ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaaradii uu la socday.

Sebtembar 18, 1961, waxaa dalka Zambia ku burburtay diyaaradii uu la socday Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay Dag Hammarskjold, isaga oo ku guda jiray dhaxdhaxaadintii nabadaynta ee Congo. 16 qof oo uu ku jiro Hammarskjold ayaa ku dhintay shilkaas.

April 13, 1966, Madaxweynihii Ciraaq Cabdsalaam Caarif ayaa ku dhintay shil diyaaradeed. Caarif wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi bishii February 1963-kii.

27-kii April, 1969-kii, Madaxweynihii Bolivia Rene Barrientos ayaa dhintay markii diyaaradii uu la socday ay ku burburtay magaalada Cochabamba.

Jan. 18, 1977, Diyaarad uu saarnaa Ra’iisul Wasaarihii Yugoslavia Dzemal Bijedic ayaa ku burburtay buuraha u dhaw magaalada Kreševo  ee Bosnia . Bijedic, xaaskiisa iyo lix qof oo kale ayaa ku dhintay shilkaas.

May 27, 1979, diyaarad uu la socday Ra’iisul Wasaarihii Mauritania Axmed Ould Bouceif, oo u socday ka qaybgalka shir madaxeedka Afrika, ayaa ku burburtay xeebta magaalada Dakar. Bouceif ayaa ku dhintay shilkaas.

Dec. 4, 1980, Ra’iisul wasaarihii Portugal Francisco Sa Carneiro iyo wasiirkiisi gaashaandhigga Adelino Amaro da Costa ayaa dhintay kadib markii ay diyaaraddii ay la socdeen ay ku burburtay caasimadda Lisbon.

May 24, 1981, Madaxweynihii Ecuador Jaime Roldos Aguilera iyo Wasiirkiisi Difaaca Maj. Gen. Marco Subia Martinez ayaa naftooda ku waayey markii diyaaradii ay la socdeen ay ku burburtay meel u dhow xuduudka Peru.

July 31, 1981, Madaxweynihii Panama Omar Torrijos ayaa dhintay ka dib markii diyaarad yar ee uu la socday ay ku dhacday meel kayn ah.

Oct. 19, 1986, diyaarad ay la socdeen madaxweynihii Mozambique Samora Machel iyo dhowr wasiir ayaa ku dhacday meel u dhow xadka Mozambique iyo Koonfur Afrika. Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay shilkaas oo ay ku jiraan Machel, qaar ka mid ah wasiirrada iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Mozambique. Baaritaanadii la sameeyay shilka ka dib, waxaa la ogaaday in duuliyuhu uu ku lug lahaa shilka

Bishii June 1, 1987, Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Rashiid Karaami ayaa naftiisa ku waayay bam ku qarxay diyaaradii helicobter-ka ahayd ee uu la socday, isaga oo kusii jeeda Beirut. Bambada laga hago meelaha fog, culeyskeeduna dhan yahay 300 garaam, ayaa la dhigay kursigii uu fadhiisan lahaa gadaashiisa, waxaana la qarxiyay wax yar ka dib markii ay kacday diyaaradda. Kaliya Karaami ayaa ku dhintay shilka.

17-kii August , 1988-kii, diyaarad nooca C-130 oo ay la socdeen Madaxweynihii Pakistan Ziyaa-ul-Xaq, shan janaraal iyo Safiirkii Mareykanka Arnold Lewis Raphel ayaa ku burburtay meel u dhow Bahawalpur, oo qiyaastii 530 kiiloomitir koonfur ka xigta caasimadda Islamabad.

Shilkaas ma jirin cid ka badbaaday, waxaana gadaal laga ogaaday in la celladeeyay diyaaradda.

Bishii April 6, 1994, diyaarad ay la socdeen Madaxweynihii Burundi Cyprien Ntaryamira iyo Madaxweynihii Rwanda Juvenal Habyarimana ayaa lagu rasaaseeyay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kigali. Ma jirto cid ka badbaaday diyaaradii ay la socdeen oo ku dhacday agagaarka madaxtooyada.

Feb 26, 2004, diyaarad siday Boris Trajkovski, oo ahaa madaxweynihii labaad ee Macedonia iyo wafdi la socday ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Mostar ee Bosnia .

Siddeed qof oo uu ka mid yahay Trajkovski ayaa ku dhintay shilkaas.

Guddi caalami ah oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas ayaa ugu dambayntii sheegay in shilka diyaaradeed uu ka dhashay khalad dhanka duuliyaha ah.

April 10, 2010, Diyaarad siday 96 qof oo uu ku jiro Madaxweynaha Poland Lech Kaczynski ayaa ku dhacday meel kayn ah oo u dhaw garoonka diyaaradaha ee Smolensk ee Ruushka, Ma jirin wax ka badbaaday.
Madaxweynaha ayaa lagu waday inuu ka qayb galo xuska Xasuuqii Katyn oo ay ku nafwaayen qiyaastii 22,000 oo kasoo jeeda Poland xilligii xukunkii Stalin.

Feb. 5, 2024, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo siday madaxwaynihii hore ee Chile Sebastian Pinera iyo xubno la socday ayaa ku burburtay harada Ranco ee gobolka Los Rios.

Diyaaradan oo ahayd nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter-ka ayaa burburtay wax yar kadib markii ay duushay, kadib markii ay la kulantay roob xoogan iyo ceeryaamo.

May. 19, 2024. Madaxweynihii Iran Ibraahim Raisi, Wasiirkiisi Arrimaha Dibadda, Xuseen Amiir, iyo mas’uuliyin kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed kadib markii ay diyaaraddii ay saarnaayeen ku burburtay buuraha ku yaal waqooyi-galbeed ee caasimadda Iran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here