Saturday, September 7, 2024

Maxaan ka naqaana Naadiga Paris ee Soomaaliya ka cafiyay deynta?

Muqdisho (Dawan)- Dhawaan dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ayaa isku raacay in Soomaaliya laga cafiyo 1.2 bilyan oo dollar oo ah deyntii lagu lahaa, iyadoo la raacayo hannaanka hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka si loo dhimo culayska deynta ee saaran dalka Soomaaliya.

Deynta lacaga cafiyay Soomaaliya ayaa ka dhigan 99% wadarta guud deyntii ay dalalka Naadiga Paris ku lahaayeen Soomaaliya ilaa January 2023.

Naadiga Paris ayaa sidoo kale caddeeyay in ay soo dhaweynaayo qorshaha Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ula dhaqanto wadamada kale iyo hay’adaha deyn bixiyayaasha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa ku tilmaamay go’aanka Naadiga Paris inuu ka marag kacayo horusocodka joogtada ah ee dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dowlad dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Waa maxay Naadiga Paris?

Naadiga Paris waxaa la aas-aasay sannadkii 1956-dii, waana koox aan ahayn urur rasmi ah oo ay ku jiraan dalalka dhaqaalaha leh ee bixiya deymaha kuwaas oo ujeedadoodu tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u maalgalin lahaayeen wadamada ay soo food saarto xasaradaha maaliyadeed, gaar ahaan kuwa dhibaatada ku qaba deymaha lagu leeyahay.

Dalalka ku bahoobay Naadigaan ayaa sheega in ay dadaal ku bixiyaan sidii xal loogu heli lahaa dalalka lagu leeyahay deymaha faraha badan iyo xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha adduunka.

Dowladaha ku mideysan Naadiga Paris

Naadigan ayaa ka kooban 22 xubnood oo badankoodu ay yihiim dalalka saamaynta xooggan ku leh dhaqaalaha caalamka iyo nidaamka maaliyadeed ee dunida, sida Mareykanka, Jarmalka, Japan, Faransiiska iyo Ingiriiska, xubnaha kale waxa ka mid ah wadamo ay ka mid yihiin Australia, Austria, Belgium, Brazil, Canada, Denmark, Finland, Ireland, Israel, Italy, Netherlands, Norway, Russia, South Korea, Spain, Sweden iyo Switzerland.

Kaalinta Naadiga Paris

Sida lagu sheegay website-ka rasmiga ah ee Naadiga Paris, dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka dhaqaale ee waaweyn ayaa gacan weydiista kooxdan marka ay bixin waayan lacagaha deymaha ah ee lagu leeyahay xilligii loogu tala galay kadibna Naadiga ayaa kaalin ka qaata sidii deyn cafin loogu sameyn lahaa.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa aaminsan in guulo la taaban karo laga gaaray habka Naadiga Paris uu ula tacaamulayo wadamada deymaha lagu leeyahay , marka loo eego in xubnaha Naadigu ay yihiin kuwa ugu badan ee bixiya deymaha, sida uu qoray wargeyska Business Standard.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here