Sunday, September 8, 2024

Maxaan ka naqaana safiirka cusub ee Mareykanka?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Jimcihi Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Richard H. Riley.

Sida ay Villa Somalia sheegtay, Danjiraha cusub ayaa Madaxweyne Xasan la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna soo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Munaasabadda waxaa goob jooga ahaa Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Mcallin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ah.

Maxaan ka naqaana safiirka cusub ee Mareykanka?

Richard H. Riley ayaa 8-dii May 2024-kii loo dhaariyay inuu noqodo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna horay u soo noqday La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Ottawa.

Riley wuxuu soo noqday madaxa Qunsuliyadda Guud ee Mareykanku ku leeyhay magaalada Peshawar ee Pakistan 2021-2022, isaga oo sidoo kale soo noqday sii haayaha iyo Ku Xigeenka Safiirka Mareykanka ee safaaradda Mareykanka ee Oslo, Norway (2018-2021).

Richard H. Riley waxa uu leeyahay waayo aragnimo diblomaasiyadeed oo gaareysa muddo 30 sano ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay qaybo badan oo daafaha dunida ah.

Howlaha diblomaasiyadeed ee Riley soo qabtay waxaa sidoo kale ka mid ah inuu soo noqday kaaliyaha madaxa safaaradda Mareykanka ee magaalada Kabul, Afgaanistaan ​​(2017-2018) isaga oo sidoo kale u tagay dalkas howlgallo kala duwan intii ay ciidamada dalkiisu ku sugnaayeen.

Magaalooyinka Bagdaad iyo Sanca ee dalalka Ciraaq iyo Yemen ayuu u tagay howlgallo kala duwan oo ay ka mid tahay hirgelinta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha

Riley waxa uu ahaa Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka 2009-2010, halkaas oo uu ka hagayey siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee Masar, Urdun, Suuriya, iyo Lubnaan.

Waxa uu ka baxay Kuliyadda Dagaalka Qaranka ee Ft. McNair, Washington D.C. (2008-2009).

Billawgii shaqadiisa diblomaasiyadeed wuxuu Riley ka soo shaqeeyay Shiinaha, Midowgii Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, Kazakhstan, Estonia, iyo Jamaica, wuxuuna ku hadlaa Luqadaha Pashto, Mandarin Chinese, Carabi, Ruush, iyo Faransiis.

Marka la eego sooyaalkiisa waxbarasho waxa uu maamulka kasoo bartay Jaamacadda Georgia ee magaalada Athens, isaga oo sidoo kale laba Master ku qaatay Maamulka iyo Istaraatiijiyadda Amniga

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here