Sunday, September 8, 2024

Maxaan ka ognahay heshiiska iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Turkiga?

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishaan February Magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ah.

21 isla bishaan ayay Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen maalin qura, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay maalintii ku xigtay ee 22-ka.

Heshiiska ay sidaan deg-degga ah u meel marisay Dowladda Soomaaliya weli ma jiro mas’uul ka bixiyay faahfaahin dheeraad ah marka laga reebo in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay muddada heshiiska iyo inuu ka qeyb qaadan doono ilaalinata xeebaha iyo kheyraadka Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Turkiga ayaan iyaduna wax sharraxaad ah ka bixin balse Warbaahinta iyo falanqeeyaasha Turkiga ayaa shaaciyay qaar ka mid ah qodobada heshiiska.

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa socon doona muddo 10 sano, iyada oo xogta laga helayo ay tilmaameyso;

  • Codsiga heshiiska waxa uu ka yimid Dowladda Soomaaliya.
  • Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si shaqsi ah u bixiyay awaamiir ku aaddan diyaarinta heshiiska,waxeyna qaadatay muddo 10 maalin ah.
  • Soo bandhigidda kheyraadka badda, si looga faa’iideysto dhaqaala ahaan.
  • Qorshaynta iyo hirgelinta hawlgallada cirka, dhulka iyo badda ee wadajirka ah, haddii ay timaado baahi ah in la difaaco khayraadka badda.
  • Sameynta Maraakiib ciidan, dhisidda iyo hawlgelinta dekedo, samaynta hab-raaca sharci ee lagama maarmaanka u ah arrintaan, iyo midaynta shuruucdii socdaalka badda ee labada dal.
  • Qaadidda tillaabooyin hal dhinac ah iyo mid wadajir ah si loola dagaallamo dhammaan falalka khatarta ah sida argagixisada, burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo tahriibinta.
  • Ka taageeridda ciidanka Soomaaliya dhanka tababarada, farsamada iyo qalabka.
  • Sameynta iyo maareynta xarumaha amniga xeebaha.
  • Horumarinta iyo casriyaynta awoodda ciidanka badda ee Soomaaliya.
  • Ka hortagga wasakhowga badda.
  • Shirkadaha ka shaqeyn doona dhammaan arrimahaan ayaa ogolaansho ka heli doona Turkiga.
  • Sida uu dhigayo heshiiska, Turkiga wuxuu ka shaqeyn doonaa ilaalinta ku dhawaad 3,000 oo KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, Kenya ilaa Jabuuti, iyadoo ay ilaalinayaan Maraakiibta dagaalka iyo ciidamada Turkiga.

    Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay Muqdisho ka furatay safaarad sannadkii 1979-kii, balse albaabada ayaa la isagu laabay sida safaaridihii kale ee caalamka kadib burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya sannadkii1991-kii.

    Sannadkii 2011-kii, Turkigu wuxuu safaaradda ugu weyn ee uu ku leeyahay caalamka ka furay caasimadda Muqdisho, taasoo ka qayb-qaadatay dardar-gelinta horumarinta xiriirka labada dal.

    Ilaa hadda, Turkigu wuxuu bixiyay gargaar ku kacaya hal bilyan oo doollar, iyada oo isweydaarsiga ganacsiga labada dal uu hadda marayo 280 milyan oo doolar, waxaana la filayaa in uu kor usii kaco marka la dhaqan geliyo heshiiskaan cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here