Monday, September 16, 2024

Maxay Africa kala soo laabatay Olympic-da Paris?

Paris (Dawan)- Sannadkan, laba iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa kasoo muuqday masraxa abaal marinta ee tartanka Olympic-da Paris ee 2024. Ugu yaraan dalkiiba wuxuu helay hal billad, waxeyna wadarta guud lasoo laabtay qaaradda Africa 39 billadood, taas oo ka dhigan in billad dheeraad ah kusoo biirtay qaaradda marka la barbardhigo Olympic-dii Tokyo ee dalka Japan.

Kenya ayaa hoggaaminaysa tirada billadaha marka laga hadlayo Africa, waxeyna aruursatay 11 billadood oo ay ku jiraan 4 Dahab ah. Kenya ayaa caan ku ah guulaha ay ka gaarto ciyaaraha fudud, gaar ahaan kuwa orodada dhexe iyo kuwa dhaadheer.

Kala horeynta dalalkii kasoo qayb galay marka la eego Olympic-da Paris, Kenya waxay qabsatay booska 17-aad

Algeria ayaa labaad ka gashay Africa, kadib markii ay gacanta ku dhigtay 2 billadood oo Dahab ah iyo hal Maar ah. Imane Khelif ayaa loo caleema saaray horyaalka Olombikada ee dhanka feerka ee -66 kg. Inkasta oo ay wajahday muran ku saabsan jinsigeeda iyo nacaybka ku dhisan faquuqa ee uga imaanayay warbaahinta iyo siyaasiyiinta reer-galbeedka, hadana waxey muujisay dulqaad iyo adkaysi ka tarjumay tartanka ay ku jirtay ee feerka.

Kaliya 46 il-biriqsi ayay ku qaadatay inay jahwareer ku riddo kagana guuleysato dhiggeeda ka socotay Talyaaniga ee Angela Carini.

Koonfur Africa ayaa soo tiigsatay kaalinta seddexaad, waxaana loo diiwaan geliyay billad Dahab ah oo dhanka dabaasha ah seddex Qalin ah iyo laba Maar ah.

Itoobiya ayaa ku dhameysatay afarta sare, waxayna heshay billad Dahab ah balse waxaa u dheer seddex billadood oo Qalin ah.

Wadamada kale ee ku guuleystay min hal billad oo Dahab ah, waxaa ka mid ah Masar, Tunisia, Botswana, Uganda, iyo Morocco.

Masar iyo Tunisia waxaa usii dheer min hal billad oo ay ka heleen Qalinka iyo Maarta.

Uganda waxay heshay laba billadood oo kaliya, balse waa kuwo muhiim ah. Joshua Cheptegei, oo seddex jeer ku guuleystay tartanka 10,000 ee mitir ee adduunka, ayaa mar kale guul ka xaqiijiyay ciyaarta uu doorbido ee orodka

Billadda labaad ee Uganda waxaa ku guuleysatay Peruth Chemutai, oo ku heshay billada Qalinka orodkii 3,000 ee mitir ee dumarka.

Wadamada Afrikaanka ah ee wacdaraha ka dhigay ciyaaraha fudud, waxaa ka mid ahaa Botswana oo ku ku guuleysatay labo billadood.

Letsile Tebogo waxa uu helay billadda Dahabka ah ee orodka 200m, isagoo guusha ka dafay Kenny Bednarek iyo Noah Lyles oo Mareykan kasoo wada jeeday, wuxuuna noqday Afrikaankii ugu horeeyay ee loo caleemo saaro tartanka orodka 200 ee Olombikada.

Guushaas uu soo hooyay 21 jirkaas darteed, dadka Botswana waxaa la siiyay maalin fasax ah si ay u dabbaaldegaan.

Orordka qoray isku dhiibka ee 400 oo Miter ayay Botswana ku heshay billadda labaad laakin Qalin ah.

Marooko ayaa ciyaaraha Paris kala soo laabatay laba billadood oo isagu jira Dahab iyo Maar.

Xulka qaranka Morocco ee kubadda cagta ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay billadda Maarta kadib markii uu galay kaalinta seddexaad.

Seddexda dal ee kala ah Cape Verde, Zambia iyo Ivory Coast ayaa helay min hal billad ah oo wada Maar ah.

Ciyaaraha Olombikada Paris ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana markii afaraad oo xiriir ah galay kaalinta kowaad Mareykanka kadib markii ciyaartooydiisa qoorta loo suray 126 billadood oo 40 ka mid ah ay tahay Dahab

Xafladda xiritaanka oo lagu qabtay Stade de France waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 70,000 oo qof, waxaana ka mid ahaa 8,000 oo ciyaartoy.

Ciyaaraha Olympic-da ee xiga waxaa la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka sannadka 2028 ee Soomaaliya maxey la tegi doontaa?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here