Thursday, September 19, 2024

Maxay ahaayeen fariimaha uu diray M/W Xasan Sheekh?

Muqdisho (Dawan)- Ugu dambeyn farriimihii way gaareen, masaajidkana wuu ka soo baxay, minbarka madaxtooyada ayuuna bulshada kala hadlay. Bal aan eegno nuxurka khubaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee uu xalay u jeediyay dadwaynaha.

Hadaljeedin la sii duubay oo inay toos tahay loo ekeysiiyay oo 28 daqiiqo soconeysay ayuu madaxweynuhu ummadda kula hadlay.

Khudbadda madaxweynaha waxay diiradda saartay 5 qodob oo waaweyn oo muddooyinkii ugu dambeeyay kala shaki xooggan ka taagnaa:

1- Arrimaha Dhallinyarada:

Madaxtooyadu waxa ay ballaminteeda ku sheegtay in madaxweynuhu ka hadli doono arrinta dhallinyarada, balse 14 % oo kaliya ayuu khudbaddiisa uga hadlay. Dhanka nuxurka madaxweyanaha waxa uu xusay in ay soo gaareen cabashooyinka dhallinyarada bajaajta ku xamaasha, balse hadalkiisii jimcaha kama uusan bixin raalli gelin iyo garowsho midnaba, waxa uu ku abaal sheegtay in toogashooyinkii ciidamadu u geysan jireen bajaajleyda ay dowladdiisu wax ka qabatay. Doodda taageerayaasha dowladda ee ah in dhallinyarada ay ka dhex hadlaayaan siyaasyiin dano kale leh madaxweynuhu waa cadeeyay.



2- Canshuurta iyo cabashooyinka ganacsatada

Arrinka labaad waa Canshuurta iyo cabashooyinka ganacsatada. Madaxweyne Xasan waxa uu arrintaan dul istaagay waxa ka badan 32% isu geynta khudbaddiisa, isaga oo faahfaahin ka bixiyay nuuca canshuurta, cidda ay ku waajibeyso, is barbar dhig u sameeyay xaddiga ay dalalka kale qaadaan iyo waxa ay dowladdu ku qabaneyso canshuurta.

Erayada madaxweynaha kama marneyn gooddin iyo in dowladdu aysan aqbaleynin waxa uu ugu yeeray shoobare. Shaki kuma jiro in arrinka canshuurtu ahaa dulucda hadaljeedinta madaxweynaha.

3- Xiisadda Ethipia iyo Soomaaliya

Madaxweynaha waxa uu u abbaaray arrintan si isku dheelli tiran oo waa eed-sheegtay, waa cabtay, haddana waxa uu ku soo gebo gabeeyay inuusan ka tanaasuleynin dhul ay Soomaaliya leedahay, waxa uuna duur xulay heshiiskii uu dhawaan la galay Masar oo dabcan ka careysiiyay Ethiopia. Waxay u muuqatay soo hadal qaadidda arrintan ee xilligaan inuu taageerada shacabka ku doonayay.

4- Doorashada iyo Dastuurka

6 daqiiqo oo 28ka daqiiqo ee khudbaddiisu ka koobneed kamid ah ayuu ku bixiyay, wax cusub oo laga sheego iyo wax hore oo lagu celiyo midna ma jirin. Waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah wax walba oo ay ku qaadato, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu dhaliilay. Dib u dhaca doorashooyinka inuusan muhiim ahayn oo ujeedka kama dambeysta ah uu muhiim yahay ayuu sheegay.


5-  Dagaalka Al-shabaab

Waxa uu madaxweynuhu ka hadlay waqtiga ugu gaaban isaga oo beeniyay in dagaalku hakaday, waxa uu ku sababeeyay in deegaano cusub sida Jubaland iyo Koofur-galbeed uu u wareegay. Mashaariicda xasilinta ee deegaanada Als-habaab laga saaray ka socda ayuu madaxweynuhu ku faanay.

    Shanta qodob ee uu madaxweynuhu uu ku hadlay dhammaan waxay ka mideysnaayeen inuu ka jawaabayo eedeymo muddooyinkii ugu dambeeyay loo jeedinaayay. Dadka dhaliila madaxweynaha ayaa aaminsan in farriinta madaxweynaha aysan waxba ka badaleynin ra’yul caamka oo aad u diidan hab maamulka dowladda.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here