Thursday, November 21, 2024

Maxay ka dhigan tahay guusha Soomaaliya ee kamid noqoshada Golaha Ammaanka ?

Muqdisho (Dawan)- Maxay ka dhigan tahay guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ee kamid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay?. Waxaa qoray Maxamed Dugoow, Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada

Doorashada Soomaaliya loogu doortay xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay ka dhigan tahay guul taariikhi ah oo dhinaca diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah. Guushan ma aha oo kaliya mid diblomaasiyadeed, balse sidoo kale waxay ka tarjumaysaa horumarka iyo guulaha isdaba joogga ah ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ka hor inta aanan falanqeyn muhiimadda iyo micnaha ay Soomaaliya u leedahay kamid noqoshada Golaha Ammaanka, aynu dib u yara milicsanno nus qarni ka hor xilligii ay Soomaaliya kamid ahayd xubnaha Golaha ugu muhiimsan Golayaasha Qaramada Midoobay.

Dib-u-Milicsi Taariikheed

Soomaaliya waxay ahayd xubin firfircoon oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay muddo xileedkii 1971-1972, xilligaas oo dalalka dunida qaar ka mid ahi wali ku jireen gacanta gumeystaha. Xilligaas waxaa howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay hoggaaminayay diblumaasi sare Cabdiraxiin Caabi Faarax (1919-2018), oo si adag ugu dooday xaqa dalalka inay go’aamiyaan masiirkooda (Self Determination) iyo ilaalinta madax-bannaanida dalalka tabarta yar.

Cabdiraxiim Caabi Faarax waxaa lagu xusuustaa sidii uu ugu dooday in Namiibiya ay ka xorowdo nidaamka midab takoorka (Apartheid-ka) ee Koonfur Afrika. Sidoo kale, wuxuu dowlado ay kamid yihiin Cumaan, Bangladesh, Qadar iyo Bhutan ka taageeray ololihii ay ugu jireen ku biiridda Qaramada Midoobay kadib markii ay madaxbannaanida qaateen.

Doorka Soomaaliya ee Aqoonsiga Shiinaha ee Qaramada Midoobay

Shiinaha ayaa lumiyay xubinimadiisii Qaramada Midoobay kadib dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkaas. Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha oo uu hoggaaminayay Mao Zedong ayaa la wareegay talada dalkaasi iyaga oo ku dhawaaqay inay dhiseen Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha “People’s Republic of China” Oktoobar 1, 1949-kii. Intaas kadib, nidaamkii laga tuuray talada dalka ayaa u guuray Taiwan, iyaga oo sii sheegtay inay yihiin dowladda sharciga ah ee Shiinaha.

Qaramada Midoobay ayaa sii aqoonsanaysay Taiwan, balse Soomaaliya waxay si weyn ugu doodeysay in dowladda Shiinaha loo aqoonsado dowladda sharciga ah ee kaligeed ka talisa Shiinaha. Ugu dambeyn, Shiinaha wuxuu aqoonsiga helay isla muddo xileedkii Soomaaliya ay kamidka ahayd Golaha Ammaanka, bishii Nofeembar 1971-kii.

Muhiimadda Kamid Noqoshada Golaha Ammaanka

Kamid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka waxay dhiig cusub ku shubi doontaa xiriirka Soomaaliya iyo caalamka. Waxay astaan u noqon doontaa sida Soomaaliya uga go’an tahay dowladnimo iyo wada shaqeyn ay la yeelato dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah. Hoos waxaa ku faahfaahsan qaar ka mid ah sababaha ay muhiimka u tahay guushan:

Kororka Saameynta Diblumaasiyadeed

Kamid noqoshada Golaha Ammaanka waxay Soomaaliya u soo kordhin doontaa saameyn diblumaasiyadeed oo aad u weyn. Soomaaliya waxay heli doontaa fursad ay cod ku yeelato arrimaha xasaasiga ah ee Golaha ka doodi doono, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadda iyo ammaanka caalamka. Tani waxay Soomaaliya ka dhigi doontaa dal muhiim ah oo lagala tashado go’aamada caalamiga ah.

Bilicsiinta Sumcadda iyo Magaca Soomaaliya

Guushan waxay sidoo kale kordhin doontaa sumcadda iyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya si firfircoon uga qeyb gasho doodaha masiiriga ah ee Golaha, waxay sumcad iyo magac u soo jiidi doontaa dalka. Soomaaliya waxay noqoneysaa astaan u taagan sidii ay uga soo kabsaneysay dagaalladii sokeeye iyo sidii ay u horumarineysay dowladnimadeeda.

Xiriir Dhaw oo lala yeesho Dalalka Afrika

Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa in xiriir dhow la yeelato dhammaan dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka malafaadkooda looga hadli doono Golaha. Ka mid noqoshada Golaha Ammaanka waxay Soomaaliya siin doontaa fursad ay si dhow ula shaqeyso wadamada Afrikaanka ah iyo inay hormariso danaha qaaradda Afrika. Soomaaliya waxay noqon doontaa codka Afrika, iyadoo ka hadleysa arrimaha qaaradda ee la xiriira nabadda, amniga, iyo horumarka.

Difaacida Xuquuqda Dulmanayaasha

Soomaaliya waxay fursadan uga faa’iideysan kartaa inay codkeeda ku difaacdo xuquuqda dulmanayaasha iyo inay u dooddo arrimaha muhiimka ah ee ka jira gudaha dalka iyo gobolka. Soomaaliya waxay ka hadli kartaa arrimaha xuquuqda aadanaha, la dagaalanka argagixisada, iyo taageeridda nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ay ka gaartay diblomaasiyadda caalamiga ah ayaa ah mid muujineysa sida ay dowladdu uga go’an tahay inay dib u soo ceshato booskeedii caalamka oo ay kor u qaado sumcadda iyo horumarka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here