Thursday, September 19, 2024

Maxay Koonfur Galbeed muhiim ugu tahay dowladda dhexe?

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacadii gaaray magaalada Baydhabo, si loo xoojiyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed

Maxaa daciifyay xiriirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed?

Ma kulanka golaha wadatashiga qaran mise xaaladda ciidamada Itoobiya iyo Masar?

Degmada Xudur gobolka Bakool, waxaa ka dhacay 30kii August banaanbax lagu taageerayo ciidamda Itoobiya ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo dhanka kale lagu diiday imaanshiyaha ciidamda Masar ee dowladda Soomaaliya heshiiska difaac la gashay.

Dhoowr iyo toban xildhibaan ayaa taageeray banaanbaxaas ,waxayna dhaleeceyn kala kulmeen odoyaal dhaqan oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Cabcasiis Laftagareen kama labalabeyn taageerada iyo ammaanta xildhibaanadaas iyo bulshada Xudur, wuxuuna ku tilmaamay geesiyaal la mid ah dhallinyaradii SYL ee usoo halmagamay gobanimada dalka

Laftagareen halkaas waxa uu ka qaatay dhibca siyaasadeed, wuxuuna kusoo baxay mid maya dhihi kara dowladda dhexe.

Shirka wadatashiga qaran ee dhawaan la filayo inuu Muqdisho ka dhaco, waa arrin kale oo Koonfur Galbeed muhiimka ka dhigaysa.

Deni oo horay u maqnaa, Laftagareen oo raacay, Axmed Madoobe oo aan xaalkiisa leysku haleyn karin kadib diidmadii wasaaradda Maaliyada Jubbaland ee dhaqan gelinta canshuurta gadibta. Dabcan dowladda dhexe ma farxad gelineyso, umana fiicna yagleelka Jamhuuriyadda seddexaad iyo hanaanka federaalka.

Kaliya laba jeer ayuu dhacay shirka golaha wadatagiga qaran ee sanadkaan, kuwaas oo kala ahaa 3dii Janaayo iyo 15kii May. Waxa baaqday 20kii April, madal lagu balansanaay in ay Muqdisho ka dhacdo sababo aan gor loo sheegin oo lagu soo koobay arrimo farsamo, iyada oo caasimadda ay ku suganaayeen xilligaas madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Madaxweynaha Jubbaland kama uusan qeyb ahayn madaxdii soo gaartay caasimadda, waana sababta loogu badinayo in ay soo dadajisay baaqashada shirka madasha wadataishga qaran.

Waa tiro ka yar kulamadii madasha ee bilowgii dib u doorashadii madaxweyne Xasan. 7dii bil ee ugu horeeysay xukunka Xasan, waxaa la qabtay tiro 4 jeer ah oo dhamaan ay ka soo wada qeyb galeen dowlad gobleedyada iyo gobolka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here