Thursday, September 19, 2024

Maxay tahay hay’adda Atomic Energy ee Soomaaliya ku biirtay ?

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA), sida uu bartiisa X ku shaaciayay Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed

Wasiirku waxa uu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’antahay inay tamarta Nukliyeerka u adeegsato si nabdoon.

Hadaba maxaan ka naqaan Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga ?

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga waa hay’add dowli ah oo ka shaqaysa sidii dowaladaha caalamku isaga kaashan lahayeen aqoonta iyo farsamada Nukliyeerka, iyada oo loo adeegsanayo si nabadgelyo ah, si loo ilaaliyo xasiloonida caalamka.

Wakaaladdan waxaa dhidibada loo taagay sannadkii 1957 kadib markii ay timid cabsi badan oo laga qabay tignoolajiyada Nukliyeerka ee xilligaas iyo isticmaalkeeda kala duwan.

Xarunta dhexe ee wakaaladdu waxay ku taal magaalada Vienna ee dalka Austria, halkaas oo ay ku sugan yihiin shaqaalaha ugu badan. Wakaaladu waxa kale oo ay xafiisyo goboleed ku leedahay Toronto iyo Tokyo, halka New York iyo Geneva ay ku yaallaan xafiisyo dhanka xiriirka u qaabilsan.

Waxa ay shaybaaro lagu sameeyo cilmi-baarista ku leedahay Seibersdorf iyo Monaco.

Sida hadda ku cad website-ka Wakaaladda (IAEA) xubnaheedu waxay gaaraayan 178, waxayna Soomaaliya noqotay dowladda 179-aad ee ku biirtay hay’addan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here