Thursday, September 19, 2024

Maxay yihiin digniinaha uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Puntland ?

Garoowe (Dawan)- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka  Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Xeerarka Doorashooyinka  Golayaasha  Deegaannada.

Guddigu waxa uu sheegay in xisbi kasta  ay ka reebantaahay in uu hantida dowlada u adeegsado danihiisa gaarka ah iyo ololaha doorashada .

Sharuucda uu soo saaray Guddiga, waxaa sidoo kale ka mid ah  in aan la adeegsan karin koox ama ciidan hubeysan oo   lagu socodsiinayo  danaha doorasho , iyadoona dhamaan xisbiyada looga digay  inay ku kacan falal ka hor imaanaya  xeerarka  Guddiga Doorashada  ama  jabinaya jadwalka loo qabaty  doorashada.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmahaan ay jireen eedeymo ah in xisbiga talada haya uu olollaha u  adeegsaday gaadiidka Dowladd Goboleedka .

Doorashooyinka  Degmooyinka   kala ah  Garoowe , Donogoroyo iyo  Godobjiraan ayaa horay waxaa ugu yimid hakad kadib markii Guddiga doorashooyinka  uu soo saaray go’aan lagu joojinayo howlaha doorashooyinka ee Degmooyinkaas.

Guddiga ayaa ku sababbaeey go’aankaas xalaadihi amni darro ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladd Goboleedka Punland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here