Friday, September 20, 2024

Maxay yihiin shuruudaha laga rabo madaxweynaha Somaliland?

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland waxa uu maanta la wareegay dukmentiyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiyada uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada.

Doorasahada madaxtooyada ee la filaayo inay dhacdo 13-ka bisha November, waxaa ku tartami doona seddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo UCID

Hadaba, waa maxay shuruudaha laga rabo madaxweynaha Somaliland?

Sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee xeer lambar 91/2023, waxaa laga rabaa musharraxa madaxweynaha inuu soo buuxiyo shuruudaha soo socda;

  • Liistooyinka musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska Komishanka.
  • Go’aankii xisbigu ku ansxiyay musharaxnimada madaxweynaha iyo ku-xigeenka 
  • Cadaynta Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Wasaarada Maaliyada ee tilmaamaya inay bixiyeen deebaajigii musharaxnimada
  • Qoraal uu Musharax kasta oo la soo xulay ku cadaynayo in uu buuxiyay shuruudihii musharaxnimada isla markaana ay ka go’an tahay in uu noqdo musharax u taagan doorashada Madaxtooyada
  • Qoraal lagu cadaynayo heerka waxbarasho iyo shahaadooyinka uu haysto
  • Qoraal lagu cadaynayo in aanu jirin Xeer musharaxa ka hor istaagaya in uu u tartamo doorashada madaxtooyada
  • Bayaan ay soo saareen Madaxda Xisbiga iyo musharixiintu oo ay ku cadaynayaan in ay u hogaansamayaan Xeerarka doorashooyinka iyo Xeerarka Anshaxa ee doorashooyinka laxidhiidha
  • Cadayn faah-faahinaysa hantida musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtooyada
  • Haddii musharaxu haysto dhalasho ajaanib ah waa in uu soo gudbiyaa caddayn muujinaysa inuu ka noqday dhalashadii ajaanibka ahayd.

    Sida ku cad jadwalka doorasahda, billowga bisha October waxaa loo asteeyay in la guda galo ololaha doorashada, waxaana lasoo afjari doona 10-ka bisha November.

    Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

    Doorashada ayaa ka dhici doonta dhammaan gobolada ay ka koobantahay Somaliland ee lixda ah kuwaas oo kala ah Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil , Togdheer,  Sool, iyo Sanaag, waxaana xaq u leh inay codkooda dhiibtaan dad gaaraya 1, 227,48 qof.

    Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here