Monday, September 16, 2024

Maxbuus ka fakaday xabsiga Galkacyo oo dib loosoo qabtay

Garoowe (Dawan)- Boliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka fakaday xabsiga Galkacyo, todobaadki hore, iyada oo abaal marin la guddoonsiiyay qofkii Boliiska lasoo wadaagay xogta ninka lasoo qabtay.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi” ayaa lagu yiri; warsaxaafadeed uu Boliisku ku faafiyay barta Facebook.

Boliiska ayaa intaas ku daray in lagu daba joogoo raggii kale 3) ee ka baxsaday xabsiga, wuxuuna ballan qaaday in abaalmarin lacageed oo dhan 20,000 oo dollarka Mareykanka ah la siin doono qofkii keena xog ku saabsan raggaas, iyada oo la qarin doono xogtiisa gaarka ah.

Raggaan ayaa hore loogu xakumay dil toogasho kadib markii lagu helay inay gaysteen dilal, iyaga oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here