Saturday, September 7, 2024

Maxey tahay inaad ka ogaato Geeska Afrika maanta?

Muqdisho (Dawan)- Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa ka socday Geeska Afrika dhaqdhaqaayo madaxda gobolka iyo kuwa caalami ah ay ku marayaan gobolka oo la daalaa dhacaya colaado, xiisado siyaasadeed iyo xaalado kale oo Bini’aadantinimo.

Soomaaliya /Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo gabagabeeyay safarkii 2-da maalin ahaa ee uu ku joogay dalka Eritrea, isaga oo kormeer ku ku tagay isla markaana la kulmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya Xarunta Ciidanka Cirka ee Eretria (EAF) ee magaalada Asmara.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacayda siyaasadda, amniga, iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eretria, Yemane G. Meskel.

Eritrea waxey sanadihii ugu dambeeyay kaalin mug leh ka qaadatay dib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliya, waxaana dalkeeda tababar ku qaatay in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamo u tababaran si gaar ah.

Jabuuti

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa madaxda dalka Jabuuti kala hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo howlgallada ciidamada badda ee Midowga Yurub ay ka wadaan badda cas.

Josep Borrell iyo Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale isla soo qaaday sida wax looga qaban karo colaadda Suudaan iyo xaaladda nabadaynta ee gobolka.

Borrell ayaa sidoo kale kulan laba geesood ah la yeeshay Xoghayaha fulinta ururka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’antahay Midowga Yurub inay taageeraan howlaha IGAD ee dhexdhexaadinta iyo ka shaqaynta nabadda iyo ammaanka gobolka, wuxuuna ugu baaqay dalalka xubna ka ah IGAD inay xoojiyaan midnimadooda.

Jabuuti waxaa maalmahaan ku sugan Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee maamulka SSC Khaatumo, Cabduqaadir Axmed Cali wuxuuna kulamo la qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.

kulamadan ayaa inta badan looga hadlay arrimaha nabadda, xasilloonida gobolka iyo Dowlad dhiska Soomaliya.

Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa isaguna socod ku maraya gobolka, wuxuuna kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalalka Geeska Afrika.

Itoobiya/ Suudaan

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Port Sudan, iyada oo booqashadiisa lagu sheegay sidii xal waara loogu heli lahaa xasiloonida Suudaan

Booqashada Abiy ee Suudaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dhawaan lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar shir looga hadlayay dagaalka ka socda Suudaan iyo sidii loo soo afjari lahaa.

Dhanka kale, marka la eego gudaha Itoobiya, waxaa maanta furmaya dib u eegistii labaad ee Istaraatiijiyadda ku saabsan Hirgelinta Heshiiskii lagu joojiyay dagaalkii ka socday labada sano dalkaas, waxaana la qorshaynaya inay kulanka kasoo qayb galaan wakiilo ka socda dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda Tigray.

Labada dhinac ayaa hore u ballan qaaday hirgelinta heshiiskii lagu gaaray Pretoria ee uu Midowga Afrika ka ahaa garwadeenka.

Kenya

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Kaniisadaha Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweyne William Ruto inuu kala diro Golihiisa Wasiirada, iyada oo weli laga casbi qabo inay sii socdaan banaanbaxyada ka dhanka ah xukuumaddiisa.

Isla Kenya, Maxkamadda dalkaas ayaa amartay in 10 milyan oo shilin ($78,000) magdhaw ahaan loo siiyo xaaska wariyihii u dhashay dalka Pakistan, Arshad Sharif oo ay Boliisku dileen laba sano ka hor.

Maxkamdda ayaa dilka wariyaha ku tilmaamtay inuu ahaa mid sharci darro ah.

Uganda

Dowladda Uganda ayaa la filaya inay ka jawaabto warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in ciidamadeedu ay taageero siiyaan jabhadda M23 ee ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here