Sunday, September 8, 2024

Maxey yihiin shuruudaha ay Dowladdu ku xirtay wada xaajoodka AS?

Muqdisho (Dawan)- Inkasta oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan shaaca ka qaaday inay lagama maarmaan tahay in wada hadal nabadeed lala yeesho kooxda Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay arrinkaas ayaa hadana waxaa soo baxaya shuruudaha ay dowladdu hordhigayso kooxada Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali  oo arinkaan   ka hadlay ayaa caddeeyay inasyan jirin wax wada hadal ah oo hadda u socda labada dhinac, taas oo meesha ka saartay warar sheegayay in ay jiraan wadaxaajood u billaawday dowladda iyo Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa soo bandhigay shuruudaha ay dowladdu kula fadhiisaneyso Al-shabaab miiska wada hadalka, isaga oo sheegay inay lagama maarmaan tahay in Kooxdu ay xariga u jarto xiriirka ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu Al-Shabaab hordhigay shardiga ah in ay aqbalaan midnimada dhuleeed  ee Soomaaliya iyo in ay diyaar u noqdaan in ay qaab nabadeed ugu soo biiraan siyaasadda dalka.

Madaxweyne Xasan oo bartamihii bishaan June khudbad ka jeediyay madasha Oslo Forum ee dalka Norway, ayaa sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Al-Shabaab diyaar u tahay xilligaan wadaxaajood balse dhinaca dowladdu ay markasta diyaar u tahay wadahadal dhab ah.

Madaxweynaha oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri; ” “Waxaan rumeysannahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wadaxaajood. Goorma? marka ay diyaar noqdaan. Shalay iyo kasii hor waxaan ahayn diyaar, balse waxaan weli rajeyneynaa in ay diyaar noqdaan. Marka ay diyaar noqdaan waxaan la geli doona wadaxaajood”

Xasan ayaa intaas ku daray in wadaxaajoodku qaadan doono waqti balse waxa uu rajo ka muujiyay inuu ku dhamaan doono wax dan u ah dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo ku qanci karta Al-shabaab inay bedelaan habdhaqankooda inay ka qayb qaadato.

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in wadahallada lala gelayo Al-shabaab in ay noqdaan arrin ku kooban hal qof taas bedelkeedana laga dhigo arrin qaran oo ku dhisan hannaan daahfuran.

Cabdiraxmaan ayaa bartiisa Facebook kusoo soqray sida soo socota mar uu arrintan ka fallaanoyay, isaga oo isku xiray wadahadallada Itoobiya iyo Al-shabaab “Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo”

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada qabaa’ilada iyo saaxibada caalamka ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku qaaday dagaal culus kooxda Al-shabaab, waxeyna la wareegeen dhul ballaaran oo ay kooxdu ka talin jirtay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Sida uu xaqiijayay Dawan TV, Al-shabaab waxay si tartiibtartiib ah oo khasaare yar ula wareegayaan deegaanadii horay looga saaray ee Galmudug oo naf, waqti iyo kharash badan uga baxay dowladda labadi sano ee lasoo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here