Thursday, September 19, 2024

Maxkamdda Sare oo quusisay Sayid Cali kuna xukuntay dil toogasho

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday Rafcaanka ay ka qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo go’aanka ku dhawaaqay ayaa yiri; Maxkmadda Sare ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay diiday cabashada eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud … Maxkmaddu waxay ayidday xukunka maxkamadda Rafcaanka”

Hadaba aan dib u eegno billowgii kiiska Sayid Cali iyo sida uu kusoo gaaray Maxkamadda Sare ee dalka

Kiiska Sayid Cali ayaa ah kiiskii ugu hadal heynta badnaa sanadkan dalka oo ah dilka xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dab la qabadsiiyay gurigii ay dagganayd.

  • Dilkan ayaa dhacay 26 January 2024
  • Ciidamada Nabad sugidda ayaa Sayid Cali soo qoobatay February 5, 2024 isaga oo ku sugan Gabdaale oo hoos taga magaalada Hobyo
  • February 21, 2024 ayuu markii ugu horreysay ka soo muuqday maxkamadda Gobolka Banaadir.
  • Ehelada Luul ayaa diiday in la aaso meydka ilaa ay cadaalad u helaan gabadhooda iyaga oo kaga dan lahaa inay dowladda cadaaadis ku saaraan.
  • Doodadaha difaaca iyo caddeymaha xeer ilaalinta ayaa toos looga daawanayay warbaahinta, ilaa February 27, 2024, iyada oo ku soo gabagabowday in dil toogasho ah lagu xukumo, balse racfaan ayuu ka qaatay xukunka.
  • Si lamid ah maxkamadda racfaanka ayaa billowday dhageysiga dacwadda April 21, 2024
  • May 15, 2024 ayey maxkamadda racfaankana ku raacday go’aankii maxkamadda Gobolka ee ahaa dilka, Sayid ma quusan ee waxa uu racfaan kale u qaatay maxkamadda sare oo maanta billowday dhageysiga kiiskan.

Rajada Sayid Cali waxay ku xirneed go’aanka maxkamadda sare, oo maanta ayidday xukunkii maxkamadda Racfaanka, kadib markii eheladiisu ku guul darreysteen qancinta waalidka Luul in ay diyo qaataan oo kiiska lagu xalliyo maxkamadda ka bannaanka.

Nooca dilka ee loo adeegsaday dab, Luul oo hayad hooyo uur leh, in ay heysatay seddex carruur ah iyo in ay ahayd xaaska dambiilaha waxay kiiska ka dhigeen mid saameeya ra’yulcaamka, halka dad badan ay u arkaan inuu ahaa imtixaanka ugu weyn ee garsoorka Soomaaliya lagu kala ogaanayo heer caddaaaldda ee ay bulshadu ka fili karto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here