Wednesday, October 23, 2024

Meydadka 3 dumar ah iskuna qoys ah oo laga helay Nairobi

Nairobi (Dawan)- Meydadka saddex dumar ah, oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabadh ay edada u tahay, ayaa laga helay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Nairobi Talaadadii, iyadoo dilkooda uu argagax ka abuuray dadka ku nool magaalada gaar ahaan Soomaalida.

Haweenkan, oo magacyadooda lagu kala sheegay Waris Daa’uud, gabadheeda Aamina C/rashiid oo 21 jir ah, iyo Nuseyba Daahir oo 12 jir ah, ayaa ku noola xaafadda Islii, waxaana dilay kooxo aan la aqoonsan.

Wararka ayaa sheegaya in meydka Waris Daa’uu oo si xun loo jirdilay laga helay Machakos, halka meydka Aamina C/rashiid laga helay Parklands, iyo kan Nuseyba Daahir oo laga helay Buruburu. Dilalkan foosha xun ayaa argagax ku abuuray dadweynaha ku nool xaafadda Islii iyo guud ahaan magaalada Nairobi, iyadoo baaritaano ballaaran ay socdaan.

Taliyaha booliska ee koonfurta Athi River, Philis Muthoni, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay meydka Waris, isaga oo sheegay in jirdil aad u daran loo geystay. Waxa uu xusay in gacmaha iyo dhegaha laga jaray, wejigeeda la jarjaray, indhaha lagala baxay, iyo qoorteeda ay ku  dhoweed inay go’do. Sidoo kale, baaritaanada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Waris la faraxumeeyay ka hor intaan la dilin.

Wararka laga helayo booliska ayaa tilmaamaya in Waris lagu dilay meel aan ahayn Machakos, balse meydkeeda lagu soo tuuray halkaas si loo qariyo raadadka. Dhanka kale, ehelka iyo dadweynaha Nairobi ayaa si weyn u muujiyay walaaca iyo naxdinta ay ka qaadeen dhacdadan.

Sumeya Nuur, oo ka mid ah ehelada, ayaa la hadashay warbaahinta iyada oo ka sheekeysay waqtiyadii ugu dambeeyay ee ay aragtay Waris iyo gabdhaha kale. Waxay sheegtay in Waris ay dareentay caafimaad darro fiidnimadii Isniinta, kuna wargelisay gabadheeda Aamina iyo Nuseyba inay isbitaalka aadi doonto si ay daryeel caafimaad u raadsato. Markii uu waqti dheer ka dib soo laaban weyday, gabdhaha ayaa u baxay inay raadiyaan hooyadood, balse iyaguna dib uma soo noqon.

Subaxii Talaadada, qoyska ayaa helay war naxdin leh oo ku saabsan in meydadka saddexdooda  laga helay meelo kala duwan. Meydka Aamina ayaa lagu arkay Parklands, ka dibna Waris oo yaallay Machakos, ugu dambeyna Nuseyba oo 12 jir ahayd ayaa laga helay Buruburu.

Booliska magaalada Nairobi ayaa bilaabay baaritaan ballaaran oo ku saabsan dilkan naxdinta leh, iyadoo waaxda Agaasinka Dambi Baadhista (DCI) ay baarayaan sidii loo heli lahaa cidda ka dambeysay falkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here