Thursday, September 19, 2024

Midowga Africa oo ansixiyay howlgalka cusub ee Soomaaliya

Addis Ababa (Dawan)- Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa ansixiyay qorshaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dib bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS oo la qorsheynayo in lasoo gabagabeeyo dhamaadka sannadkan.

Howlgalkan cusub oo lagu magacaabo “Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)” ayaa billaaban doona bisha January ee sannadka 2025, waxa uuna beddeli doona howlgalka hadda loo yaqaano ATMIS oo hoary u ahaan jiray AMISOM.

Goluhu wuxuu meel mariyey Istaraatiijiyadda cusub ee AUSSOM, iyada oo la eegayo xaaladda lagu jiro ee kala guurka, xoojinta taageerada ciidamada amniga Soomaaliya, iyo wax ka qabashada nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bogaadiyay horumarka ballaaran ee laga gaaray nabadeynta Soomaaliya tan iyo markii la howlgeliyay ciidamada nabad ilaalinta ah sannadkii 2007-dii inkasta oo walaac laga muujiyay weerarada ay Al-shabaab ka gaysato gudaha Soomaaliya.

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa soo bandhigay sida ay diyaar ygu yihiin inay ka qayb qaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxaana sidoo kale lagu baaqay in la kordhiyo isuduwidda dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo xaqiijiyo guusha howlgalkan cusub.

Ciidmadama Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here