Sunday, September 8, 2024

Midowga Afrika oo baaq cusub kasoo saaray dagaallada Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed, ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadaha ka taagan Waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ee Raya Alamata, Zata, iyo Ofla.

Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo ammaanka dadka rayidka ah si looga hortago barakac kale.

Waxa uu ku booriyay labada dhinac in ay u hogaansamaan, sidoo kalena ay si buuxda u dhaqan galiyaan Heshiiskii nabadda ee ay kala saxiixdeen dowladda iyo Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) 2-dii November, 2022.

Muusa Faki waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasii amba qaado wada hadalladdii siyaasadda si loosoo afjaro colaadaha ka jira deegaanada kala duwan ee Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa ballan qaaday inuu sii xoojinayo dadaalka lagu taageerayo dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda, wuxuuna Guddoomiyuhu faray guddiga u xilsaaran arrimaha Itoobiya in ay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay gacan uga geystaan xallinta xaaladda dalka Itoobiya.

Ku dhawaad 29,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay waqooyiya Itoobiya, sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here