Thursday, May 8, 2025

Midowga Yurub iyo Midowga Afrika oo Jabuuti ku xusay 25 Sano oo Iskaashi ah

Jabuuti –Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU) ayaa si wadajir ah u xusay 25-kii sannadood ee xiriirkooda istiraatiijiyadeed Arbacadii, iyagoo u dabaaldegaya iskaashigooda xooggan.

Munaasabadda xusuusiga ah ayaa ka dhacday Hoteelka Sheraton ee dalka Jabuuti, halkaas oo saraakiil ka socota dowladda Jabuuti, aqoonyahanno, hoggaamiyayaal dhalinyaro ah, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah ay ka qeyb galeen.

Sida ay sheegaty Wakaalada Wararka Jabuuti kulanka waxaa looga hadlay “25 Sano Iskaashiga EU-AU: Abuurista Mustaqbalka Wanaagsan ee Jiilasha Soo Socda,” waxaana ka dhashay is-dhaafsi fikrado ku saabsan arrimaha wadajirka ah ee labada qaaradood.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub ka go’naanta horumarinta gobolka, isaga oo tilmaamay muhiimadda wada-xaajoodka ee salka ku haya xaaladaha dadka iyo xalalka waara.

Doodaha ayaa xoogga la saaray saddex tiir oo muhiim ah: Nabadgelyada iyo Maamulka, Barwaaqada, iyo Isu-soo dhawaanshaha bulshada. Dhanka maalgelinta, Cabduqaadir Xuseen Maxamed oo ka socday Xarunta Daraasaadka iyo Cilmi-baarista ee Djibouti (CERD) ayaa muujiyay faa’iidooyinka muuqda ee maalgelinta Midowga Yurub ee kaabayaasha, hal-abuurnimada, iyo shaqo-abuurka dhalinyarada.

Wuxuu sheegay, “Barwaaqo wadajir ah waxay ka timaadaa dhisidda mashaariicda gudaha iyo qiimeynta xirfadaha.”

Ugu dambeyntiina, Wakiillada Midowga Yurub ee Djibouti ayaa muujiyay mahadnaqa iyo qaddarinta ay u hayaan doodaha wax ku oolka ah, iyagoo dib u caddeeyay go’aan ka go’naanta wada-shaqeynta sii xoojinta ee Midowga Afrika.

Xuskaan Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa imaanaya iyadoo Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Midowga Yurub (EU) ay 21-kii May 2025 xusayaan 25-sano guuradii xiriirkooda, kaas oo lagu qaban doono magaalada Brussels, inta lagu guda jiro shirka Wasiirrada oo ay ka soo qeybgali doonaan in ka badan 80 dowladood iyo hogaaminta cusub ee labada urur ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here