Monday, October 7, 2024

Miisaaniyadda Soomaaliya oo korortay 24.4%

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada ayaa kulan gaar ah ku ansixiyay caawa miisaaniyadda sannadka 2025 oo gaareysa $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha horgeysay Miisaaniyadda, iyadoo soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroodeen .

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugaya inay si wada jir ah u meelmariyaan miisaaniyada dowladda ee sannadka 2025, kahor inta uu saxiixin madaxweynaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii hore ee September ka heshay Midowga Yurub lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro taas oo loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Lacagtaas ayaa loogu tala galay in lagu taageero dadaallada dowladda ee lagu kobcinayo dakhliga gudaha, Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo horumarinta adeegyada Waxbarashada loo dhanyahay.

Marka la eego barnaamijyada taageerada maaliyadeed, waxaa miisaaniyadda Soomaaliya lagu kabay lacag dhan €101.4 milyan tan iyo 2018.

Hannaanka taageerada miisaaniyada Midowga Yurub waxa uu ka caawiyay Soomaaliya in ay gaarto heerka HIPC ee dhammaystirka dayn cafinta iyo hubinta hirgelinta hawlaha asaasiga ah ee hay’adaha dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here