Monday, September 16, 2024

Miyaa la gaaray xilligii Dahabku ka dhamaan lahaa dunida?

Muqdisho (Dawan)- Mala socotaa in 77% lasoo saaray Dahabkii ku jiray dhulka hoostiisa?

50% ka mid ah 77% waxaa loo adeegsaday Dahabka loo qaato quruxda ama lebiska, halka 17% lagu kaydiyay Bankiyada Caalmaiga ah ee dunada.

Inta soo hartay waxa ay isagu jiraan Bullion iyo nuucyada loo isticmaalo warshadaha, tignoolajiyada, maalgashiga, iyo ujeedooyin kale.

Haddii aad soo qaadato calculator ee aad xisaabiso qiimaha Dahabka ee maanta dunida yaal, waxaa kuu soo baxaya lacag dhan 15 trillion oo dollar iyo dheeraad.

Miisaanka Dahabka laga soo saaray dhulka hoostiisa, waxaa lagu qiyaasay 187 kun oo tan tan iyo markii uu billowday fahanka qiimaha uu leeyahay Dahabka, sida laga soo xigtay Hay’adda United States Geological Survey.

Arrinka kale ee la yaabka leh ayaa ah in Dahabka qiimaaas ku fadhiya lagu kaydin karo ama lagu ridi karo sanduuq cabiirkiisu dhanyahay 22 mitir kuyuubik.

Kadib markii lasoo saaray 77% Dahabkii ku jiray dhulka, waxaa soo baxday cabsi wayn oo laga qabo inuu dhamaado Dahabka ama ay adkaato sida lagu heli karo mustaqbalka dhow, waxaana la sheegaya in Dahab aad u yar uu ku haray dhulka hoostiisa.

Taas waxaa sii dheer, saadaalinta kala duwan ee tilmaamaysa in uu dhammaan doono Dahabka ku jira dhulka hoostiisa marka la gaaro sannadka 2050!

Xigasho: Sky News Carabiya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here