Addis Ababa – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Mohamed El-Amine Souef inuu noqdo Madaxa Shaqaalaha cusub ee xafiiskiisa, xilkaas oo uu kala wareegayo Mohamed El Hacen Lebatt, oo horey u hayay jagadan.
Magacaabistan ayaa timid xilli uu socdo xil-wareejinta rasmiga ah ee hoggaanka Guddiga Midowga Afrika (AUC), oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, xarunta Midowga Afrika.
Taariikh Nololeedka Mohamed El-Amine Souef
Kahor magacaabistiisa, Souef wuxuu ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), laga bilaabo Sebtembar 1, 2022. Intaasi ka hor, wuxuu sidoo kale soo noqday:
- Madaxa Xafiiska Gobolka ee Hawlgalka Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID)
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jasiiradda Comoros (1999–2006)
Mohamed El-Amine Souef waa qoraa caan ah, waxaana uu qoray shan buug oo ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo juquraafi siyaasadeedka. Wuxuu ku hadlaa afar luqadood: Faransiis, Ingiriis, Carabi, iyo Swahili.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dib-u-habeyn lagu sameeyay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, kaddib doorashadii dhowaan dhacday. Waxaa sidoo kale isbeddello lagu sameeyay jagooyinka sare ee xafiiska, iyadoo Moussa Mohamed Omar loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha, isagoo beddelaya Tordeta Ratebaye.