Sunday, September 8, 2024

Morocco oo martigelineysa koobka qaramada Africa ee 2025

Morocco (Dawan)- Guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta ee Afrika ayaa ku dhawaaqay in dalka Morocco marti gelin doono koobka qaramada Africa sannadka 2025, halka dowladaha Kenya, Tanzania iyo Uganda ay si wada jir ah u martigeli doonaan koobkaan sannadka 2027.

Morocco ayaa heshay aqlabiyadda codadkii guddiga fulinta kadib markii ay isaga hareen tartanka dowladihii la tartamaayay ee kala ahaa Algeria, Zambia iyo Nigeria, waxeyna marti gelin doontaa tartanka 35-aad ee koobka qaramada Africa sannadka 2025.

Waa markii labaad oo ay Morocco nasiib u yeelato inay martigeliso koobkaan, iyada oo markii ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1988-kii oo Cameroon ay ku guuleysatay.

Bishii Oktoobar 2022, Xiriirka kubadda cafta Afrika ayaa go’aamiyay in martigelinta laga wareejiyo dalka Guinea kadib dib u dhac ku yimid diyaarinta garoomada lagu qabanayo tartanka.

Sidoo kale dowladaha dhaca Bariga Aafrica ee kala ah Kenya, Tanzania iyo Uganda ayaa si wada jir ah u martigelin doona tartanka koobka qaramada Africa ee sannadka 2027, iyaga oo ka guuleystay dowladaha Senegal iyo Botswana oo iyaguna u xusul doobayay in ay wada jir u qabtaan.

Waa markii ugu horeysay ee seddex dowladod halmar wada martigeliyaan koobka tan iyo markii la billaabay sannadkii 1957-kii, balse waxaa dhacday dhowr jeer in laba dowladood wada martigeliyaan sida Ghana iyo Nigeria sannadkii 2000 iyo Gabon iyo Equatorial Guinea sannadkii 2012.

Sannadka soo socda ee 2024, waxaa koobka Africa lagu qaban doona dalka Côte d’Ivoire , waana markii labaad ee dalkaas lagu qabto tartanka koobkaan.

Masar ayaa heysata koobabka ugu badan, waxeyna ku guuleysatay koobka qaramada Africa toddobo jeer, halka ay kaalinta labaad ku jirto Cameroon oo ku guuleysatay koobkaan shan jeer.

Senegal ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee ku guuleysta koobaan sannadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here