Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa caddeysay mowqifkeeda ku saabsan go’aanka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qorsheeyay in doorashooyinka dowladaha hoose iyo dowlad goboleedyada la qabto bilaha June iyo September ee 2025.
Jubaland waxay ku eedeysay Villa Somaliya inay is hor istaag ku sameysay in dowlad goboleedyadu qabsadaan doorashooyinkooda xilligii loogu talagalay, arrintaas oo ay ku tilmaamtay inay dalka gelin karto xaalad hubanti la’aan ah.
Waxay intaas ku dartay in lagu guul darreysatay in la hirgeliyo dhammaan qodobadii muhiimka u ahaa doorashada qof iyo codka ah.
Jubaland waxay caddeysay inay qabsan doonto doorashooyinkeeda iyada oo aan la samaynin wax dib u dhac ah
Halkaan ka aqriso war-saxaafadeed arrintan ku saabsan oo kasoo baxay Jubaland