By Sayyid Omar
Dibadbaxyo ballaaran oo ka socda guud ahaan Turkiga ayaa sii xoogeystay kaddib markii duqa magaalada Istanbul – oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamaya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – la xiray, iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo in uu xiriir la leeyahay ururo argagixiso.
Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa isticmaalay gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo sunta dadka cabsi gelisa si ay uga hortagaan dibadbaxayaasha ka careysan xabsi ku sii-haynta duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu. In ka badan 340 qof ayaa la xiray fiidnimadii Jimcaha, balse taasi ma aysan joojin mudaaharaadyada oo sii socday illaa maalinimadii Sabtida.
Dad badan ayaa u arka xarigga duqa magaalada Istanbul mid siyaasadeed oo lagu doonayo in looga saaro tartanka madaxtinimada ee la qorsheeyay sannadka 2028.
Hase yeeshee, masuuliyiinta dowladda ayaa diiday eedeymaha ah in talaabooyinka sharciga ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ay yihiin kuwo siyaasadeysan, iyagoo ku andacoonaya in maxkamadaha Turkiga ay yihiin kuwo madax-bannaan.
Booliska ayaa su’aalo weydiin la xariira eedeymaha loo heysto la yeeshay duqa magaalada Istanbul Imamoglu muddo shan saacadood ah, iyadoo baaritaan lagu sameynayay eedeymaha la xiriirinayo ee ah inuu taageero siiyay Ururka Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo ah koox mamnuuc ka ah Turkiga, sida ay werisay warbaahinta dalkaasi.
Imamoglu ayaa Sabtidii markii ugu horreysay tan iyo xarigiisa ka soo muuqday maxkamad, isagoo si buuxda u beeniyay eedeymaha loo haysto.
Horaantii Sabtidii, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisu aysan oggolaan doonin mudaaharaadyada waddooyinka, isagoo xisbiga mucaaradka ku eedeeyay musuqmaasuq iyo ku lug lahaanshaha ururo xagjirnimo.
“Wakhtigii la isugu soo bixi jiray waddooyinka, iyadoo lala socdo ururo bidix ah, xagjirro iyo burburiyeyaal… waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Erdogan. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ali Yerlikaya, ayaa sheegay in 343 qof la xiray fiidnimadii Jimcaha intii lagu guda jiray dibadbaxyada, wuxuuna intaa ku daray: “Lama aqbali doono kuwa isku daya inay khalkhal geliyaan nidaamka bulshada, halis geliyaan amniga shacabka, isla markaana abuuraya qalalaase iyo kicin.” Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay magaalooyin kale oo badan, iyagoo ku baaqayay in xukuumaddu is casisho. Dhacdadan ayaa noqotay mowjadihii ugu waaweynaa ee dibadbaxyo waddooyinka ah oo Turkiga ka dhaca muddo ka badan toban sano.