Monday, September 16, 2024

Muddo kadib safaaradda Soomaaliya ee Imaaradka oo yeelatay safiir

Abu Dubai (Dawan)- Safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu dambeyn yeelatay Danjire cusub kadib muddo dheer oo aysan Soomaaliya u magacaabin safiir dalkaas.

Xurguf siyaasadeed ayaa ka dhaxeysay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda Imaaradka Carabta, taas oo keentay in ay joogsadaan xiriirkii tooska ahaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Dib usoo noqoshadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalisay in uu dib usoo noolaado xiriirkii diblumaasiyaadeed ee labada dhinac, waxaana dib loo furay xerada tababarka ciidamada ee ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta.

Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa howlihiisa shaqo guda galay kadib markii uu warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraddka, isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqan doono xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Horraantii sannadkan, 4 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain ayaa lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, waxaana sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas kooxda Al-shabaab.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblumaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here