Monday, September 16, 2024

Muhiimadda ay canshuurto u leedahay jiritaanka dowladnimo

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray, Cumar Cali Baasha. Khabiir dhanka dhaqaalaha ahna La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Dawladda Soomaaliya ayaa soo rogtay canshuurta loo yaqaano VAT oo illa 5% ah oo ka go’aysa dhammaan dhaqdhaqaayada kala iibsi ee suuqyada, gaar ahaan lacagaha lagu diro moobilka ee loo yaqaan mobile money.

Falcelinta bulshada ayaa u badneed layaab iyo isweydiinta halka la geynayo lacagahaas, sida loo maareynayo iyo sharciyadda canshuurtaas.

Waxaan inyar ka faaloon doonna guud ahaan canshuuraha iyo muhiimadda ay u leeyihiin jiritaanka dawladnimo ee umad walba.

Dawladuhu waa ku kala duwanyihin siyaasadda canshuurta balse waxa ay isku waafaqsanyihiin in canshuur arruurintu ay tahay arrin salka ku haysa madaxbanaanida iyo jiritaanka dawladda (Sovereignty).

Dawlad walba ee adduunka waxa ay adeegsataa siyaasad maaliyadeed “Fiscal Policy” oo jaangoysa sida ay dawladda lacag usoo arruuriso iyo sida ay u kharasheyso lacagahaas, labaadsoo la isku barbar dhigo ayaa laga qiyaasa xaaladda maaliyadeed ee dawladda “balance of Payment”, oo dawladaha ay miisaaniyadooda ka badantahay lacagaha ay kharasheeyaan ku soo galo waxaa lagu tilmaama dawlad miisaaniyadeedu kab u baahanyahay “budget deficiency” halka dawladaha ay ka badantahay lacagaha so galo kuwa ay kharasheeyaan ay ku jiraan xaalad la yiraahdo “Budget surplus”.

Awoodda dhaqaale ee dawladaha ayaa halkaas laga qiyaasaa, sidaa darteed dawladaha ayaa ku kala duwan heerarka ku tiirsanaanshiyaha canshuuraha. Dawladaha qaar canshuurtu waa isha kaliya ee dhaqaale ee dawladda, dhanka dawladaha qaar ay leeyihiin illo dhaqaalo oo kala duwan, una suuragalisa in ay ku kabto bixinta kharashaadka iyo adeegyada laga rabo dawladda bil walba.

Aan usoo noqono canshuuraha dalkeena oo ah kuwa heer bilow ah, oo u baahan in la hormariyo lana fadhiisiyo siyaasadda canshuurta guud ahaan.

Canshuuraha Soomaaliya waxa ay ka yihiin GDP waxsoosaarka dalka tiro 4% (World bank report, 2022) taasoo ah midda afrika ugu yar. Sidaa darteed dawlad shaqeyn karto canshuur la’aan ma jirto. Iyadoo la filayo in sanandka 2025 la joojin doono kabka iyo lacagaha lagu bixiyo hormarinta ee aan deynta aheyn, sidaa darteed lacag iyo mashruuc walba oo hormarineed oo dibadda ka yimaada waxa uu noqon doona deyn (Loan) laga rabo Dawladda. Deyntaas waxay saameynaysa dhaqaalaha dalka, iyo khayraadkiisa, madaxbanaanidiisa, iyo nolosha jiilasha soo socdo.

Dawladnimadeenu jiri mayso canshuur la’aan, Haddaba waxaa ku tali lahaa sidatan;

1. In Siyaasadda Maaliyadda la federaaleeyo (Fiscal Federalism) si loo mideeyo dhamaan canshuuraha dalka, khasnadda dawladdana kuso dhacdo.

2. In dalka lacag cusub loo daabaco (National Currency) si looga baxo adeegsi xad dhaafka ah ee dollarka, talaabadaanna fulinteeda waa lama hurraan isla markaanna waxa ku gudban khatar weyn.

3. In aan la siyaasadeen arrimaha dhaqaalaha, sida mashriicda hormarineed, canshuuraha, baahinta kheyraadka, oo si xirfadeysan oo caqli gal ah loo mareeyo dhaqaalaha dalka.

4. In wax walba oo isbeddel ah oo lagu sameynayo qaabdhismeedka dhaqaale ee dalka sida in canshuur cusub lasoo kordhinayo iyo waxii la mid ah lasoo mariyo jidka saxda ee sharciga, si loo xalaaleeyo oo aan lagu doodin sharciyadiisa.

5. In dawladda ka shaqeyso in la abuuro kalsooni u dhaxeyso muwaadinka iyo dawladda si loo helo wada shaqeyn iyo is aaminaad.

6. In dhammaan waxii maaliyad ah ama saameynaya dhaqaalaha guud ee dalka (Macroeconomics) laga ilaaliyo in loo gacan galiyo shirkado gaar ah, ama la siyaasadeeyo iyadoo laga raadinayo anfac gaar ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here