Sunday, September 8, 2024

Muqdisho oo laga xusayo maalinta Afrika

Muqdisho (Dawan)- Waxaa maanta lagu qabanaya magaalada Muqdisho xuska maalinta Afrika (25 May) oo ah maalin ay wadamada Afrika u dabaal degaan xuska markii dhidibada loo taagay ururkii midnimada Afrika oo ay Soomaaliya xubin ka ahayd dowladihii saxiixay aas-aasidda ururkaas.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay ka dhici doonta Horel Jazeera, waxaana kasoo qayb geli doona safiirada dalalka Afrika ee ku sugan Muqdisho iyo marti sharaf kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Maalinta Afrika oo sanad walba la xuso 25-ka May, ayaa lagu wayneeya aas-aasidii Ururkii Midnimada Afrika ee 1963-kii, kaas oo markii dambe loo bedelay Midowga Afrika, waana maalin loo asteeyay in lasoo bandhigo hidaha Afrika, horumarka qaaradda ee dhinacyada nabadda iyo midnimada.

Ujeedooyinkii loo aas-aasay ururka

1- In Qaaradda laga xoreeyo gumeysiga.
2- In la cirib tiro faqriga iyo dib u dhaca

3- Xoojinta midnimada Afrika.

4- In qaarada la gaarsiiyo kaalinta ay ku leedahay fagaaraha caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here