Monday, September 16, 2024

Murashaxa Jabuuti ee Midowga Africa oo taageero ka helay OIC

Jabuuti (Dawan)- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa taageeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , inuu noqdo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) sida uu barrtiisa X ku daabacay safiirka Jabuuti ee Sacuudi Carabiya Dya-Eddine Bamakhrama.

Waxa uu sheegay safiir Dya-Eddine in Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu qabtay caasimadda Jamhuuriyadda Cameroon in si wadajir ah loogu ansixiyay qaraar lagu taageerayo murashaxnimada Maxamuud Cali Yuusuf , si uu u qabto jagada Guddoomiyaha Komishanka midowga Afrika 2025 – 2029.

Kulanka ayaa ahaa mid heer wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururkaan balse ma ahayn mid madaxda dalalka kuwaas oo codkooda ku dhiiban doona shirweynaha guud ee Midowga Afrika (AU).

Kulankaan aya ah  taageeradii ugu horreysay ee si cad loogu muujiyo murashaxa Jabuuti. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban yahay 57 waddan, 27 ka mid ah waa waddamo Afrikaan ah.

Horay qaar ka mid ah madaxweynayaasha waddamada xubnaha ka ah ururkan  ayaa taageeray musharraxa Kenya, Raila Odinga. Wadamadaas oo kala ah Uganda, Nigeria, Guinea Bissau, iyo Algeria.

Waxaa kaloo xusid mudan in dalalka Niger, Guinea, Burkina Faso, Gabon iyo Mali oo ka mid ah xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka, laga joojiyay ka qaybgalka Midowga Afrika sababo la xiriira xaaladooda gudaha.

Murashaxiinta kale ee u tartamaya jagada guddiga Midowga Afrika waxaa ka mid ah Wasiirki hore ee Arrimaha Dibadda Madagascar, Richard Randriamandrato iyo Anil Gayan oo ka socda Mauritius.

Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Sanadkan, kaltanku waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here