Friday, September 20, 2024

Murashaxa Jabuuti oo xoojiyay ololihiisa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika

Juba (Dawan)- Maxamuud Cali Yuusuf , wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa booqasho ku tagay dalka Koonfurta Suudaan si uu u xoojiyo xiriirka labada dal iyo sidii uu taageero ugu heli lahaa musharaxnimadiisa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo dhiggiisa dalkaas Ramadaan Maxamed Cabdullaahi.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga, xasiloonida gobolka iyo guud ahaan arrimaha qaaradda Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa intii uu ku guda jiray kulanka uu la qaatay Madaxweyne Salva Kiir waxa uu u gudbiyay dhambaal gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu wasiirku ugu jiro sidii uu taageero uga heli lahaa dowlado badan oo Afrikaan ah si uu ugu guuleysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa ka qayb galay munaasabadii lagu daahfurayay murashaxnimada Raila Odinga ee bishii hore ka dhacday Nairobi, isaga oo taageeradiisa u muujiyay murashaxa Kenya.

Sanadkan, kaltanka kursigan waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana  magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Ururka qaaradeedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Doorashada waxa loo qabtaa si qarsoodi ah, waxaana ku guulaysanaya murashaxii xaqiijiya inuu helo saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah ururka ee codeeya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here