Thursday, September 19, 2024

Murashaxiinta madaxweynaha Somaliland oo qaatay shahaadada doorashada

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somalialnd ayaa maanta guddoonsiiyay musharixiinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha ee ka qaybgalaya doorashada shahaadada musharaxnimo.

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha sanadkan ayaa kala ah Muuse Biixi Cabdi , madaxweynaha talada haya, oo mar labaad u tartamaya isagoo ka socda xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Waddani, wuxuuna hore u ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa xisbiga UCID waa  musharraxa kaliya ee doorasho kasta ka qeybgalay tan iyo doorashadii ugu horreysay ee Somaliland ee 2003.

Doorashadii madaxtinimada Somaliland ee dhacday 2017 waxaa u tartamay seddexda musharrax ee doorashadaan ay soo gudbiyeen xisbiyada qaran ee Somaliland.

Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in la galay jawi doorasho, maalmo loollan iyo cod raadin bulsho, wuxuuna ugu baaqay dadwaynaha Somaliland in laga wada qayb qaato sidii ay u dhici lahayd doorasho nabdoon oo caddaalad ah.

Sida ku cad jadwalka doorasahda, billowga bisha October waxaa loo asteeyay in la guda galo ololaha doorashada, waxaana lasoo afjari doona 10-ka bisha November.

Dadweynaha Somaliland ayaa u dareeri doona doorasahda subaxnimada 13-ka bisha November, iyada oo natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono isla bishaas 20-keeda.

Doorashada ayaa ka dhici doonta dhammaan gobolada ay ka koobantahay Somaliland ee lixda ah kuwaas oo kala ah Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil , Togdheer,  Sool, iyo Sanaag, waxaana xaq u leh inay codkooda dhiibtaan dad gaaraya 1, 227,48 qof.

Haddii ay dhacdo doorashadan xilliga la muddeeyay, waxay soo af-jari doontaa khilaaf siyaasadeed oo hareeyay Somaliland labadi sano ee lasoo dhaafay, kaas oo saameyn ku yeeshay dhinacayda horumarka, amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here