Thursday, September 19, 2024

Muslimiinta oo gudanaya rukniga ugu wayn Xajka (sawiro)

Maka (Dawan)- Xujeyda Muslimiinta ah ee ka kala timid daafaha dunida ayaa maanta istaagsan buurta Carafo si ay u gutaan rukniga ugu wayn ee Xajka, iyaga gacmahooda kor u taagaya kuna dhawaaqaya kalinimada Ilaah.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay inay dalka soo gaaren in ka badan 1.5 milyan oo xujey ah kuwaas oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah, waxayna ballan qaaday sidii ay u heli lahaayeen adeegyada ay u baahanyihiin si ay uga mira dhaliyaan ujeedkooda booqashada baytka Ilaah iyo rasuulka nabad gelyo iyo naxariis korkiisa aha ahaate.

Sacuudiga ayaa sameeyay diyaargarow ballaaran oo dhanka adeegga iyo amniga ah, iyada laamaha amnigu ay ka hortageen soona qabteen dad tira badan oo doonayay in ay xajiyaan iyaga oo aan hasyan ogolaanshaha xajka.

Buurta Carafa waxa ay ku taal jidka u dhexeeya magaalooyinka Maka iyo Daa’if oo 10 KM u jirta Mina, halkaas oo xujaydu shalay ku qaateen maalinta Tarwiyah.

Xujayda ayaa Carrafo ku dukanaya duhur iyo casir wadar ah oo la gaabiyay, waxayna dhageysanayaan khudbadda Carafa ee Masjidka Nimra, kadibna waxay sii wadanayaan ducada ilaa laga gaaro xilliga qorrax dhaca markaas oo ay u dhaqaaqi doonaan Muzdalifah oo ay ku hoyan doonaan caawa.

Berri subax oo ku beegan maalinta tobnaad ee Dul-xijah, waxay xujaydu ku noqon doonaan Mina si ay u tuurtaan Jamaraatul-caqaba, ka dibna way xiiraan doonan ama gaabsan doonan timaha, iyaga oo gowrici doona xoolaha kadibana waxay u dhaqaaqi doonaan Kacbada si ay u dawaafaan.

Intaas kadib, waxay Muslimiinta gudanaysa Xajka usoo laaban doonan Mina si ay ugu qaataan saddexda maalmood ee loo yaqaano maalmaha Tashriiqa, kadibna waxay u amba bixi doonaan magaalada Maka si ay u soo sameeyaan dawaafka sagootinta ah, kaas oo soo afjaraya cibaadada tiirka shanaad ee Islaamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here