Friday, October 18, 2024

Muuse Biixi: Somaliland colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa

Hargeysa (Dawan)- Waxaa maanta Gabiley lagu aasay Marxuum Cabdinasir Muuse Dahable, oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaas oo dhawaan Meydkiisa laga helay gurigi uu deganaa ee Magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka, waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somalialnd, xubno ka tirsan Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Wasiirada iyo mas’uuliyiin ka kala socday Xisbiyada Mucraadka iyo Bulshada Rayidka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban jeediyay aaska kadib ayaa sheegay in lala xisaabtami doono ciddii ka dambeysay dilka Marxuumka, waxa uuna mas’uuliyadda dilka dusha uga tuuray Madaxda Dowladda Soomaaliya.

“Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee Dowladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkaani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taas oo jawaabteeda haddii la waayona waa Badheedh,” ayuu yiri, Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku goodiyay in dilka Cabdinasir Muuse uusan noqon dooni wax la isaga haro, isaga oo sheegay in colaadda ka dhalata ay kasii ballaan doonto, wixii hore u dhacay, sida uu warkiisa u dhigay, isaga oo yiri, ” Tan oo oo kale looma ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa, Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin.”

Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in si arxan darro ah loo dilay Marxuumka taas oo ku cusub qaabka ay u dhacaan dilalka ay Soomaalidu isku geysato, waxa uuna yiri, “Geeridu waa xaq, waligeed waa la dhiman jiray, ragga waa la dili jiray, si walba geeri waa u imaan jirtay, laakin waxay nagu cusub, qof nool oo inta wire bir ah lagu xajiyo, ilaa luqunto kala go’do la waayo”

Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay 18-kii bishaan in Maydka Cabdinasir Muuse Dahable laga helay gurigii uu dagaanaa oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyada oo sidoo kale uu Boliisku gacanta kusoo dhigay lix ruux oo lagu eedeeyay in ay  ku lug lahaayeen dilka Marxuumka iyo caddeeymo loogu tegay goobta uu dilku ka dhacay.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii Cabdinasir Muuse oo ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here