Sunday, September 8, 2024

Muuse Bixii oo saxiixay wax ka bedelka xeerarka doorashooyinka iyo asxaabta

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay wax ka bedelka xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland

Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ansixyey wax ka bedelka labadaan xeer bishii February ee lasoo dhaafay.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka ayaa hore usoo jeediyay in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay  go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Somaliland, waxa uuna ka codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Somaliland.

Dhanka kale, Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta, waxeyna tilmaamen in wada jir loo baahanyahay xilligaan si looga samata baxo dhibaatooyinka wiiqi kara jiritaanka Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here