Friday, October 18, 2024

Muwaadin kasoo jeeda Yemen oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Muwaadin kasoo jeeda dalka Yemen oo lagu magcaabo Cumar Naasir ayaa lagu dilay magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag ee Soomaaliya taariikhdu marka ay ahayd 16-kii bishaan Marach.

Warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegtay in ninka la dilay uu ahaa kalluumaysato kasoo jeeda magaalada Mukalla ee gobolka Hadramaut.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen doon kallumeysi oo ay wateen rag uu ku jiro Cumar Naasir kaidbna mid ka mid ah dableydi uu rasaas ku furay taas oo keentay dhimashada Cumar Naasir .

Mabkhout Mubaarak , guddoomiyaha gobolka Hadramaut, oo kulan la qaatay ehelada marxuumka ayaa ballan qaaday in ay dadaal badan ku bixi doonaan baaritaanada la xiriirka dhimashada muwaadinka iyada oo lala kaashanayo safaaradda Yemen ee Muqdisho.

Dad badan oo kasoo carary colaadaha ka jira Yemen ayaa soo gaaray magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya si ay u helaan nolol dhaanta tan ka jirta dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Yemen Axmed Cawad bin Mubaarak ayaa soo booqday Soomaaliya bishii January ee sannadkii 2023, isaga oo xilligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Yemen, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Soomaalida oo ay ku jiraan Hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Bin Mubaarak inta uu ku jiray booqashadiisa waxa uu dhagax dhigay xarunta Safaaradda Yemen ee Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in ay safaaraddu howl geli doonto dhawaan si loogu adeego muwaadiniinta Yemen ee usoo qaxay Soomaaliya.

Qoraal uu xilligaas soo dhigay bartiisa X ayuu aad ugu amaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu dadaalayaan in ay kasoo kabtaan dhibaatadii dagaalada sokeeye iyo ixtirmaaka ay u hayaan shacabka Yemen, waxa uuna yiri;

“Dhulka iyo dadka Yemen waxa ay uga yaalaan quluubta Soomaalida meel gaar ah, sidaas darteed dadkan wanaagsan waxaa ka muuqda kalgacal iyo qadarin ay u qabaan reer Yemen”

Waxa uu raaciyay hadalkiisa; ” Waxaan ka tegaya dalkan qaaliga igu ah kadib seddex maalin oo aan booqasho ku joogay, aniga oo arkay rabitaanka dhabta ah ee Soomaalida iyo sida ay uga go’an tahay in ay iska jafaan boorka dagaalada, si ay dib ugu dhisaan dalkooda uguna noolaadaan nabad iyo xasillooni”

In ka badan 9 sano ayuu dagaal sokeeye ka socda dalka Yemen, iyada oo ay kumaan qof ku naf waayen inkasta oo ay hadda jirto rajo ah in ugu dambeyn miiska wada hadalka lagu dhameeyo dhibaatada jirta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here